Home / WARARKA DALKA / Faah Faahin: Haweeney lagu dilay magaalada Baydhabo

Faah Faahin: Haweeney lagu dilay magaalada Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Haweeney ka mid aheyd dadka deegaanka lagu dhex dilay gurigeeda.

Haweeneydan ayaa deganeyd xaafad ka mid ah magaalada Baydhabo oo ku taal dhanka bari, waxaana Booliska sheegay inuu dilay seygeeda.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inuu jiray khilaaf u dhaxeeyay haweeneyda iyo seygeeda, waxaana la sheegay in markii uu dilay kaddib baxsaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in seygeeda uu ka mid ahaa Al-Shabaab, waxaana Booliska magaalada Baydhabo ay gacanta ku dhigeen dad la sheegay inay wax ka ogaayeen dilka.

Taliska Booliska Baydhabo ayaa horay u soo saaray awaamiir ku aadan xaasaska ay qabaan Al-Shabaab ee degan Baydhabo inay isa soo diiwaan geliyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*