Home / CAYAARAHA / Wax ka ogow 15-kii sano ee lasoo dhaafay xiddigaha ku guuleystay abaalmarinta Golden Boy Award!

Wax ka ogow 15-kii sano ee lasoo dhaafay xiddigaha ku guuleystay abaalmarinta Golden Boy Award!

Abaalmarinta Golden Boy Award waxaa bixisa shabakadda Taliyaaniga ah ee Tuttosport, waxaana ay soo billaawday sanaddii 2003.

Waxaa sidoo kale codeynta abaalmarintan ka qayb qaata shabakado kala duwan oo ka kasoo kala baxa dalal kala duwan, sida : Bild (Germany), Blick (Switzerland), A Bola (Portugal), l’Équipe (France), France Football (France), Marca (Spain), Mundo Deportivo (Spain), Ta Nea (Greece), Sport Express (Russia), De Telegraaf (Netherlands), iyo The Times (United Kingdom).

Ciyaartoyda abaalmarintan ku tartanta waxa ay yihiin xiddigaha dhallintooda ay ka yartahay da’da 21-ka sano, isla markaasna ka ciyaara horyaallada qaaradda Europe.

Haddaba abaalmarintan oo lagu qiimeeyo bandhigga ugu wanaagsan ee 12-ka bilood ee sanadka, waxaa horay ugu soo guuleysto ciyaartoy aad u weyn oo 15-kii sano ee lasoo dhaafay ku kala guuleystay.

Liiska oo dhammeystiran

  1. 2003: Van der Vaart (HOL/Ajax)
  2. 2004: Rooney (ENG/Manchester United)
  3. 2005: Messi (ARG/Barcelona)
  4. 2006: Fabregas (SP/Arsenal)
  5. 2007: Aguero (ARG/Atletico)
  6. 2008: Anderson (BRA/Manchester United)
  7. 2009: Pato (BRA/Milan)
  8. 2010: Balotelli (ITA/Manchester City)
  9. 2011: Gotze (GER/Borussia Dortmund)
  10. 2012: Isco (SP/Malaga)
  11. 2013: Pogba (FRA/Juventus)
  12. 2014: Sterling (ENG/Liverpool)
  13. 2015: Martial (FRA/Manchester United)
  14. 2016: Renato Sanches (POR/Bayern)
  15. 2017: Mbappe (FRA/PSG)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*