Home / CAYAARAHA / Arsenal vs Liverpool, hordhaca kullanka, ciyaartoyda ka maqan, safafka macquulka ah iyo xaqiiqooyinka uu xambaarsanyahay!

Arsenal vs Liverpool, hordhaca kullanka, ciyaartoyda ka maqan, safafka macquulka ah iyo xaqiiqooyinka uu xambaarsanyahay!

Liverpool oo qayb ka heysa hooggaanka horyaalka Premier League-ga ayaa kullanka ugu xiisaha badan horyaalka Ingiriiska toddobaadkan waxa ay booqanayaan kooxda Arsenal.

Labada koox waxa ay qabaan dhibaatooyin dhaawac iyadoo Gunners daafaceeda uu yahay mid aad u halis badan maadaama ay yartahay tirada u fayoobi qabta.

Kooxda macallin Unai Emery keliya labadii guuldarro ee kasoo gaartay bilawgii horyaalka kooxaha Manchester City iyo Chelsea, wixii ka dambeeyay lagama adkaanin, halka Reds ay guuldarro la’aan tahay dhammaan kullamadii ay ciyaartay Premier League-ga xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha kullankan seegi kara

Hector Bellerine ayaa saacadaha ugu dambeeya ee maanta la kala caddeyn doonaa inuu taam u noqon karo kullankan iyo inuu seegayo, halka Nacho Monreal iyo Sead Kolasinac iyaguna ay dhaawacyo ka maqaan muruqa cajarka, isla markaasna ay u badantahay inaysan ciyaartan awoodi doonin ka qayb gelisteeda.

Sidoo kale waxaa Arsenal ka maqnaanaya oo aan gebi ahaan kullankan qayb ka noqon doonin Laurent Koscienly oo dhaawac dheer garoomada kaga maqan, Matteo Guendouzi oo ganaaxan ka dib cassaan loo taagay kullankii Carabao Cup ay kasoo gudbeen Blackpool iyo Mohamed Elneny oo dhaawac bowdada ah qaba.

Dhanka Liverpool waxaa ka maqan kullankan Naby Keita iyo Jordan Henderson oo dhibaatooyin dhaawac qaba, halka Alex Oxlade Chamberlain uusan dhowaanahan ba ciyaari doonin ka dib dhaawac jilibka kasoo gaaray dhammaadka xilli ciyaareedkii hore.

Safafka macquulka ah ee ay garoonka kusoo geli doonaan

Arsenal: Cech; Lichtsteiner, Mustafi, Holding, Xhaka; Torreira, Ramsey; Iwobi, Ozil, Aubameyang; Lacazette.

Liverpool: Alisson; Alexandre-Arnold, Gomez, Virgil, Robertson; Shaqiri, Wijnaldum, Milner; Salah, Firmino, Mane.

Xaqiiqooyinka ciyaartan u gaarka ah:

Arsenal wax guul ah ma aysan ka gaarin lixdii kullan ee ugu dambeysa Premier League-ga ay ka hor tageen Liverpool (Saddex bareejo, saddex guuldarro), markii ugu xumeyd ee guul ka weyso kooxdan waxa ay ahayd intii u dhexeysay 1994 illaa 2000, oo 12 kullan wax guul ah ay ka gaari weysey.

Liverpool iyadane keliya laba jeer ayay ka adkaatay Arsenal 18-kii jeer ee ugu dambeysay Premier League Emirates kula soo ciyaarto (Siddeed bareejo, Siddeed qasaaro), labada guulna waxa ay ka yimaadeen lixdii kullan ee ugu dambeysay oo ay halkaas booqatay.

Liverpool waxa ay saddex gool ugu yaraan ka dhalineysay Arsenal mid kasta oo ka mid ah Shantii kullan ee ugu dambeysay oo ay ka hortagtay, welina Reds uma suuro gelin inay lix kullan oo xiriir ah hal koox horyaalka uga dhaliso kullan walba ugu yaraan saddex gool, Gunners-na weli ma aysan dhicin in lix kullan oo xiriir ah shabaqooda saddex gool ugu yaraan la geliyo iyadoo hal koox ku wajahaysa horyaalka Ingiriiska.

Shantii kullan ee ugu dambeysay oo ay wada kulmaan labadan koox waxaa la iska dhaliyay 27 gool, isku cel celis ahaan 5.4 ayaa kullan walba ay iska dhaliyeen.

Arsenal marnaba hooggaanka ciyaarta kuma aysan aadin nasashada 10-ka kullan ee illaa hadda laga ciyaaray horyaalka xilli ciyaareedkan, haddii kullan walba uu ku dhammaan lahaa daqiiqadda 45-aad, dhab ahaan waxa ay fadhin lahayd kaalinta 17-aad ee kala sarraynta horyaalka Premier League-ga.

Roberto Firmino ayaa goolna dhaliyay midna caawiyay kullan walba oo ka mid ah saddexdii ciyaarood ee ugu dambeysay Premier League-ga ku wajaho Arsenal, waxa uu caawa raadinayaa inuu noqdo xiddiggii ugu horreeyay ee afar kullan oo xiriir ah hal koox goolna ka dhaliyo, midna ku caawiyo taariikhda horyaalka Premier League-ga, (Steven Gerrard vs Newcastle, iyo Theo Walcott vs West Ham ayaa iyagane min saddex kullan xiriir ah rikoorkaas sameeyay).

Mohamed Salah ayaa shabaqa gaaray dhammaan saddexda kullan ee uu kaga hortagay Arsenal Premier League (hal ciyaar oo Chelsea uu u safnaa, iyo laba Liverpool), Charle Austin ayaa isna afar kullan oo xiriir ah gool ka dhaliyay Arsenal.

Jurgen Klopp ayaa guuldarro la’aan ah dhammaan shantii kullan ee uu Premier League-ga kaga hortagay Arsenal, keliya Jose Mourinho (12), Gerry Francis (8) iyo Alex Ferguson (6)  ayaa ahaa macallimiinta muddada ugu dheer sugay guuldarrada Gunners.

Halka jeer oo ay horay isaga hor imaadeen Jurgen Klopp iyo Unai Emer waxa uu ahaa Final-kii Europa League ee 2016, xilligaasna Emery oo Sevilla wata ayaa 3-1 ku garaacay Klopp oo Liverpool hooggaaminaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*