Home / CAYAARAHA / Juventus Oo Iska Soo idlaysay Xiisihii Ay U Qabtay Martial, Xilli Badalkisa Ay Ka Heshay Dortmund.

Juventus Oo Iska Soo idlaysay Xiisihii Ay U Qabtay Martial, Xilli Badalkisa Ay Ka Heshay Dortmund.

Weeraryahankan heerka ee reer France ayaa tan iyo suuqii xagaaga xiisa ka helayay kooxda ka ciyaarta Serie A ee Juventus.

Balse Anthony Martial ayaa u muuqda mid qanadraas waqti dheer ah qalinka ugu duugi kara kooxda Old Trafford kadib warar habeenimadii xalay kasoo baxay gudaha England.

Si kastaba ha ahaatee, Daily Express ayaa daabacday maanta oo jimce ah in Juvenstus ay meesha ka saartay xiiso walba oo ay u qabtay Martial.

Wargayska ayaana intaas ku daraya in baddalka xidigii hore ee Monaco ay Juve diiradda saaran doonto xidiga da’da yar ee kooxda Dortmund Jadon Sancho.

Sancho oo kamid ah xidigaha da’da yar ee ugu xirfadda badan qaaradda yurub waxa uu soo jiitay kooxaha ugu awoodda qaaradda yurub, kadib bandhig wacan uu kasameeyay Bundesliga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*