Home / CAYAARAHA / Liverpool Oo Guul Ka Gaadhay Kooxda Fulham Oo Anfield Marti Ugu Ahayd, Salah Iyo Shaqiri Oo Reds Guusha Gacanta Usoo Geliyay & Wiilasha Klopp Oo Si Kumeel Gaadh Ah Hoggaanka Ula Wareegay

Liverpool Oo Guul Ka Gaadhay Kooxda Fulham Oo Anfield Marti Ugu Ahayd, Salah Iyo Shaqiri Oo Reds Guusha Gacanta Usoo Geliyay & Wiilasha Klopp Oo Si Kumeel Gaadh Ah Hoggaanka Ula Wareegay

Kooxda Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield Road guul kaga gaadhay kooxda horyaalka ku cusub ee Fulham kulan aad u xiiso badnaa, Guushan ayaa ah mid ay Reds gacanta usoo geliyeen xiddigaha Mohamed Salah iyo Xherdan Shaqiri.

Guusha ay Reds maanta ku naaloodeen ayaa ah mid u balanqaadaysa inay ugu yaraan saacado kooban hoggaanka horyaalka Premier League sii hayn doonan iyaga oo ka warsugi doona kulamada kooxaha Manchester City iyo Chelsea.

Shaxihii Kulankan ee labada kooxood:

Liverpool XI (4-3-3): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Joe Gomez, Virgil van Dijk, Andrew Robertson; Xherdan Shaqiri, Fabinho, Georginio Wijnaldum; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane.

Fulham XI (5-4-1): Sergio Rico; Cyrus Christie, Alfie Mawson, Denis Odoi, Calum Chambers, Maxime Le Marchand; Andre Schurrle, Andre-Frank Zambo Anguissa, Tom Cairney, Ryan Sessegnon; Aleksandar Mitrovic.

 

Falanqaynta Guud Ee Kulanka

Kooxda Liverpool ayaa qaab cajiib ah oo dar dar xoogan leh ku furatay kulankan iyada oo durtaba muujisay sababta ay u tahay kooxda martida loo yahay waxaana markiiba weeraro is daba joog ah qaaday wiilasha Klopp oo ay hoggaan u yihiin saddexleyda weerar ee MSF

Garabka ree Senegal ee Sadio Mane ayaa daqiiqadii 4-aad ee kulankan ku dhawaaday inuu daah furo bandhiga goolasha kaddib caawin uga timid Roberto Firmino balse ma suurogalin oo xataa bar-tilmaameed kuma samayn shabaqa.

Daqiiqadii 16-aad ee kulankan ayuu tijaabadii ugu horreysay ee kulankan Fulham ku sameeyay Mohamed Salah, Mohamed ayaa kubad isku dhiib ah la dheelay Firmino isaga oo toos u ishaartay goolka Fulham balse goolhaye Rico ayaa ka jawaab celiyay.

Markale Salah ayaa sameeyay fursad la filayay inuu daba mariyo goolhaye Rico daqiiqadii 22-aad ee kulankan balse goolhayaha ree Spain ayaa markale bad-baadin sameeyay.

Daqiiqadii 29-aad ee kulankan ayay kooxda ree London ee Fulham muujisay weerar laxaad leh, Andre Schurrle ayaa kubad furan ku helay Reds isaga oo kubad xoogan oo uu tuuray ku qabsay goolhaye Alisson Becker inuu bad-baadin sameeyo.

GOOAL: Daqiiqadii 41-aad ee kulankan ayuu Salah ugu dambayn jabiyay ismari waagii kulankan isaga oo dhammaystiray caawin uga timid da’yarka kooxdiisa ee Trent Alex Arnold.

Liverpool's Mohamed Salah scores their first goal

Qaybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay 1-0 ay kooxda Jurgen Klopp hoggaanka ciyaarta ku hayso iyaga oo goolka madiga ah ee ay qaybtan ka dhaliyeen mahad uga haya Mohamed.

Sadio Mane ayaa ku dhawaaday inuu hoggaanka u dheereeyo kooxdiisa daqiiqadii 52-aad ee kulankan balse markale Rico oo fursado cadaan ah ka dafiray Reds kulankan ayaa bad-baadin layaab leh sameeyay.

GOOAL: Xherdan Shaqiri oo kulankan uu Klopp usoo xushay isla markaana kursiga keydka loo dhigay James Milner ayaa muujiyay sababta kulankan loogu soo bilaabay si farshaxan lehna u dhammaystiray caawin uga timid Andrew Robertson.

Xherdan Shaqiri of Liverpool scores his team's second goal

Liverpool ayaa intaa kaddib si buuxda gacanta ugu dhigtay maamulka iyo hoggaanka kulanka isla markaana hanaankii weerar ee joogtada ahaa u bedeshay mid kubad hayn.

Daqiiqadii 62-aad ee kulankan ayuu markale hoggaanka Liverpool usii dheerayn gaadhay daafaca bidix ee Andrew Robertson oo ahaa caawiyihii goolka labaad, bar-tilmaamedka Robertson ayaa markale dhibane u noqday badbaadada Sergio Rico.

Intaa kaddib labada kooxood ayaan samayan wax fursado ah oo badan markale laga reebo isku day uu sameeyay weeraryahanka Fulham ee Mitrovic daqiiqadii 85-aad ee kulankan walow uu ku fashilmay inuu hal gool usoo celiyo kooxdiisa.

Ugu dambayn, Kulankan ayaa kusoo dhammaaday 2-0 ay guushu ku raacday kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool oo gaadhay guul kale oo ay si kumeel gaadh ah ugu sii hayn doonto hoggaanka horyaalka Premier League.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*