Home / CAYAARAHA / Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Guul u Rajeeyay Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Guul u Rajeeyay Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya

Ra’iisulwasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guul u rajeeyay xulka kubadda cagta dalkeenna ee Xiddigaha Badweynta oo la cayaari doona Dhiggooda Ethiopia.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter,ayuu ra’iisulwasaare Kheyre ku yiri ‘Waxaan guul u rajeynayaaxulkeenna kubbadda cagta kulanka ay la yeelanayaan dhiggooda Ethiopia”

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa intaas ku daray in mas’uuliyiinta,shacabka iyo qarankuba ay taageero la garab taagan yihiin Xulka Qaranka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad oo xalay  casho sharaf ugu sameeyay cayaartoyda xulka Soomaaliyeed ayaa u rajeeyay ciyaartoyda inay guul muhiim ah soo hooyaan.

Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka dhalinyarada ciyaaraha iyana dhankeena aad u ammaantay diyaar garowga ciyaartoyda dalkeena waxayna aad ugu rajaysay inay guul lagu farxo ay ka soo hooyaan ciyaarta galabta iyo ciyaaraha kale.

Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa galabta yeelan doona kulan ciyaareed ka dhici doona magaalada Adis ababa kaas oo qeyb ka ah is-reeb reebka ciyaaraha Olypicada adduunka oo ka dhici doona Tokyo, japan sanadka 2020.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*