Home / WARARKA DALKA / Ciidamo Cusub Oo loo Diyaarinayo Qorshaha Sugida Amniga Caasimadda Muqdisho…

Ciidamo Cusub Oo loo Diyaarinayo Qorshaha Sugida Amniga Caasimadda Muqdisho…

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeeray Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye, halkaasoo tababar uga socda ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, kuwaasoo loo diyaarinayo sugida amniga Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay macalimiinta tababarka siinaya ciidankan loo diyaarinayo sugida amniga Muqdisho.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale.

Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Cumar C/risaaq Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kormeerka Ra’iisul Wasaaraha uu ahaa mid uu ugu kuur galayay xaaladaha ciidamada iyo tababarada ay qaadanayaan.

“Ra’iisul Wasaaraha wuxuu kormeer ku tagay xarumo kala duwan oo ay ku tababaranayaan Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ku yaalla Gobolka Banaadir, waxuuna kormeer ku soo maray xarunta Dugsiga tababarka Janaraal Kaahiye, isagoo u mahad-celiyay Macalimiintii tababarka bixinayay”ayuu yiri Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen

Mr Cumar ayaa sheegay in ay jiraan Ciidamo u xareysan sugidda Amniga Caasimadda oo dhawaan lagu wado in ay soo qalin-jabiyaan kuwaasoo la wareegaya Amniga.

“Sidaad ka warqabtaan waxaa jira Ciidammo u xaraysan sugidda Amniga Caasimadda oo dhawaan soo qalin-jibin doona, kuwaas oo aan rajeyneyno in ay la wareegaan Amniga guud ee Caasimadda oo aan rajeyneyno in wax weyn uu iska badalo”ayuu raaciyay Xoghayaha Gobolka Banaadir.

Ciidamo Boolis ah ayaa maalmihii u dambeeyay la wareegayay sugida amniga Caasimadda Muqdisho, kaddib markii la kala diray Ciidamadii loogu magac daray Xasilinta, waxaana Ciidamadan cusub u badan yihiin rag dhalinyaro ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*