Home / WARARKA DALKA / Muuse Biixi Oo Si aan Caadi aheyn loogu Soo Dhoweeyey Magaalada Berbera Sawirro

Muuse Biixi Oo Si aan Caadi aheyn loogu Soo Dhoweeyey Magaalada Berbera Sawirro

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Berbera, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey shacabka iyo qeybaha bulshada.

Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa sida Somaliland, sida Wasiirada Gaashaandhigga, Horumarinta Beeraha, iyo xubno kale.

Isagoo la hadlayey saxaafada ayuu Muuse Biixi sheegay in socdaalkiisa uu jawaab u yahay cabasho & eedeyn uga timid waxgaradka gobolka Togdheer.

Biixi iyo wafdigiisa ayaa saacadaha soo socda Berbera uga sii gudbaya Magaalada Burco, halkaasoo la filayo inuu uga qeyb galo munaasabad xariga looga jarayo saldhig Cusub oo halkaas laga hirgeliyay.

Amniga Magaalooyinka Berbera iyo Burco ayaa aad loo xoojiyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah la dhigay goobaha uu booqanayo madaxweyne Biixi.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*