Home / WARARKA DALKA / Jubbaland Oo Dil Toogasho Ku Fulisay Askari Dilay Nabadoon Caan Ka ahaa Kismaayo…

Jubbaland Oo Dil Toogasho Ku Fulisay Askari Dilay Nabadoon Caan Ka ahaa Kismaayo…

Maxkamadda Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa maanta dil toogasho ku fulisay C/risaaq Cumar C/llaahi, kaasoo 27-kii bishii October ku dilay magaalada Kismaayo Nabadoon Xasan Goolo. 

Askarigan ayaa ka mid ahaa Koox Ciidan oo ka gadooday Maamulka Jubbaland, kuwaasoo galay guri ay markii dambe ku hareereeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga.

Nabadoonka geeriyooday ayaa dadaal ugu jiray xalinta xiisada ka dhalatay gadoodka ciidamada, waxaana markii dambe ku dhintay rasaas uu furay ninka dilka lagu xukumay.

Sawirro laga soo qaaday oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya askariga dilka lagu fuliyay oo ay wehliyaan ciidamo ka tirsan Jubbaland,

waxaana xilliga la tooganayay la geeyay tiirka lagu toogto dadka dambiyada dilka gala oo ku taal duleedka Kismaay.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*