Home / CAYAARAHA / Madaxweynaha UEFA oo go’aan cad kazoo saarray tartanka Super League inuu dhacayo iyo in kale!

Madaxweynaha UEFA oo go’aan cad kazoo saarray tartanka Super League inuu dhacayo iyo in kale!

Madaxweynaha UEFA Aleksander Ceferin ayaa waxa uu caddeeyay in tartanka la qaban qaabiyay ee European Super League uusan qabsoomi doonin.

Horraan dukumeentiyaal xad-tooyo ah oo la helay ayaa sheegayay in kooxo ka dhisan Premier League-ga ay qayb ka saxiixeen hirgelinta tartankan.

Arsenal , Chelsea , Liverpool iyo labada Manchester ayaa ka mid ahaa kooxihii ay sheegtay majaladda Gemany kasoo baxda ee Der Speigel.

Hase ahaatee Ceferin iyo Madaxa ugu sarreeya ururka ay ku mideysanyihiin kooxaha Europe Andrea Agnelli ayaa tilmaamay in qorshahaas uu yahay mid kooxaha ay iskood usoo abaabuleen.

“Waxaan xaqiijin karaa inaan marnaba arkin, marnaba aanan ka doodin, marnaba aanan ku lug lahayn dhisitaanka dukumeentigan” ayuu Ceferin u sheegay BBC Sport.

“Waxa aynu heynaa xoogaa aragtiyo ah. Waxaan sheegi karo ayaa ah in su’aal aysan ka taagneyn Super League. Ma dhici doono. Waa mid la iska soo allifay oo aan waxba ka jirin hadda ama riyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*