Home / CAYAARAHA / Juventus Oo Baddalka Alex Sandro Usoo Qadanaysa Daafacyadan Kakala Tirsan Barcelona Iyo Real Madrid.

Juventus Oo Baddalka Alex Sandro Usoo Qadanaysa Daafacyadan Kakala Tirsan Barcelona Iyo Real Madrid.

Xidiga garabka bidix ee daafaca kaga ciyaara kooxda kubudda cagta Juventus ee Alex Sandro ayaa maalmihii u danbeeyya lala xiriirinayay in uu isaga dhaqaaqayo kooxdiisa Juventus.

Daafacan heerka caalami ee reer Brazil ayaabxiisa ka helayay kooxah Paris Saint Germain iyo Manchester United oo labaduba doonaya in ay xidiga ka dhaqaajiyaan Serie A.

Juventus ayaana waqtigan diyaar u ah in au suuqa u gasho sidii ay kooxda u keeni lahayd xidig u baddali kara daafaceeda reer Brazil.

Alex Sandro ayaana la aaminsanyahay in uu Juventus isaga dhaqaaqi doono xagaaga danbe, isaga oo aan qarin sida uu u doonayo ku biirista Premier League.

Sida ay baahisay Tuttosport kooxda haysata horyaalka Serie A, ayaa doonaysa in ay lasoo saxiixato xidiga ay isku waddanka yihin Sandro ee Mecelo Viera, ama daafac bidix ee Barcelona Jordi Alba.

Mercelo ayayna suurta gal tahay in uu aqbalo ku biiritaanka Real Madrid maadaama uu xagagan ay Juve lacag rikoor ah kula soo saxiixatay saaxiibkisi hore ee Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Halak Jordi Alba aan la ogayn sida uu u aqbali doono in uu kasoo tago kooxda ku ciyaarta Cam Nou ee Barcelona.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*