Home / CAYAARAHA / Liverpool iyo Barcelona Oo Galay Heshiis Aan Horay loo arag!

Liverpool iyo Barcelona Oo Galay Heshiis Aan Horay loo arag!

Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa Barcelona kala heshiisay sidii ay uga badbaadsan lahayd ciyaartoydeeda mustaqbalka inay ka xayuubsato.

Philippe Coutinho ayay Reds ka iibisay Barcelona bishii January ee bilawgii sanaddan markaas oo uu ku wareegay qiimo lacageed gaarraya £142m, waxaana taasi ay ku noqotay Liverpool mid aysan ku farxin.

Kooxda Macallin Jurgen Klopp ayaa xilli ciyaareedkan ku jirta bandhig kale oo qurux badan, iyadoo ka mid ah saddexda koox ee illaa iyo hadda aanan Premier League-ga guuldarro la kulmin.

Reds ayaa sidaas oo ay tahay isku dayaysa in bisha January ay safkooda ciyaartoy hor leh kusoo kordhiso, waxaana ka mid ah xiddigaha bartilmaameedka weeraryahanka kooxda Barcelona Ousmane Dembele.

Waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayeen in kooxda reer Catalonia ay ka rajo weyntahay inay £100m ku iibin karaan 21-jirkan.

Sidoo kale wargeyska kasoo baxa Spain ee AS ayaa werrinaya in kooxaha Barcelona iyo Liverpool ay ku heshiiyeen inaysan Barca wax xiddig ah kala soo saxiixan Karin Anfield saddexda sano ee soo aaddan.

Akhbaartani waxa ay aad uga farxisay macallinka hooggaamiya Reds ee Jurgen Klopp, maadaama kooxda reer Spain laga yaabo inay gacanta lasoo laacdo xiddigo kale oo muhiim u ah safkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*