Home / CAYAARAHA / Barcelona oo Dembele kaga faa’ideysanaysa sidii ay kula soo saxiixan lahayd laacibka ugub qaalisan kubadda cagta

Barcelona oo Dembele kaga faa’ideysanaysa sidii ay kula soo saxiixan lahayd laacibka ugub qaalisan kubadda cagta

Ousmane Dembele ayaa noqon kara fursad ay Barcelona dib ugu la soo saxiixato laacibkeedii hore ee Neymar Jr.

Barca ayaa qorsheyneysa inay dib Camp Nou ugu soo celiyaan xiddigga kooxda Paris Sanit-Germain ee Neymar kaasoo xagaagii 2017 ka tagay.

Laacibka reer France ayaa noqday mid aanan cajabinin Macallin Ernesto Valverde, waxaana maamulka kooxda uu u sheegay inuu doonayo inuu kooxda ka dhaqaaqo bisha January sida laga soo xiganayo GOAL.

Dembele ayaa caadeystay inuu kasoo daaho tababarka, waxaana dhowr jeer dhacday inuu tababarka u gooyo, waxaana taasi ay sababtay in Barcelona iyo laacibka ay jecleystaan inay kala tagaan suuqa January.

Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa indha-indheynaya xaaladda laacibkan, waxaana ay waddo kale u  noqon kartaa Barca, oo iibka 21-jirkan ka sameyn karta lacago ay ku doonato saxiixa Neymar.

Si kastaba ha ahaatee, xiddigga reer Brazil ayaa dhowr jeer lala xiriiriyay inuu ka dhaqaaqo PSG, iyadoo Barcelona iyo Real Madrid loo arko inay noqon karaan bardhammaadka xiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*