Home / WARARKA DALKA / Doorashada K/Galbeed Oo Markii Afaraad Dib u Dhacday…

Doorashada K/Galbeed Oo Markii Afaraad Dib u Dhacday…

Shir jaraa’id oo Saxaafadda Magaalada Baydhabo ay ugu qabteen Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxa ay ku shaaciyeen inay u dhacday Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa sheegay balanta doorashada qabsoomideeda inay aheyd 5-ta Bishan, suuragalna aysan noqon karin in doorashada ay waqtigaasi ku dhacdo.

Waxa ay sheegeen sababo kala duwan oo keentay dib u dhaca Doorashada, waxaana ka mid ah sababahaasi Guddiga doorashada oo wali aan tababar la siinin, agabkii doorashada oo aan la diyaarin, Wafuudi ka qayb gali laheyd doorashada oo wali aan soo xaadirin iyo arrimo kale.

Waa markii afaraad oo Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay dib loo dhigo.

Horay waxa ay dib ugu dhacday Doorashada 17-kii Bishii la soo dhaafay, 28-ka Bishii la soo dhaafay & shanta Bishan December oo mar kale dib looga dhigay.

Siyaasiyiinta iyo dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa si wayn u hadal haayo arrinta la xiriira dib u dhaca markii afaraad ku yimid Doorashada Madaxtinimada Maamulka Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*