Home / CAYAARAHA / Origi oo xilli Dambe Guul Gaarsiiyay Liverpool Ciyaar la isku Riiqmay!

Origi oo xilli Dambe Guul Gaarsiiyay Liverpool Ciyaar la isku Riiqmay!

Waxaa hadda soo idlaaday kullankii ugu xiisaha badnaa toddobaadkan horyaalka Ingiriiska.

Liverpool ayaa waxa ay gaartay guul ay ku raffaadday, iyadoo daqiiqaddii ugu dambeysay ciyaarta gool heshay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay bareejo goolal la’aan ah.

Markii dib la isugu soo laabtay, Reds ayaa billawday weerarro is daba joog ah, balse uma suurto gelin Mane Firmino iyo Salah inay ciyaarta gool ka dhaliyaan.

Macallin Jurgen Klopp ayaa garoonka beddel uga saarray Mohamed Salah iyo Roberto Firmino, si la mid ah Xherdan Shaqiri.

Divock Origi ayaa muddo ka dib kullan ka tirsan Premier League u saftay kooxda Liverpool, ka dib markii lagu beddelay Firmino.

Daqiiqaddii ugu dambeysay ciyaarta ayaa ay Reds gool ka heshay Origi isagoo dhammeystiray kubbad birta kore kusoo dhacday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*