Home / WARARKA DALKA / Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland oo sheegtay inay nafteeda kala soo baxsatay Kismaayo

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland oo sheegtay inay nafteeda kala soo baxsatay Kismaayo

Xildhibaan Khadiijo Aadan Cabdi oo ka mid ah Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegtay inay nafteeda kala soo baxsatay magaalada Kismaayo, kaddib markii ay la kulantay cabsi gelin iyo handadaad.

Waxaa ay sheegtay in aragtideeda iyo fikirka ay qabto darteed loogu handaday, gaar ahaan inay si aad uga hadashay arrimaha ka jira Jubbaland.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in beelaha qaar ee aan awoodda badan ku laheyn Kismaayo la takooro, dhowr jeerna hadalo ay ka jeedisay Baarlamaanka loogu jeediyay hanjabaad, maadaama ay dhalisay Madaxweynaha Jubbaland.

Dowladda Federaalka ayaa waxay ugu baaqday inay caawiso dadka reer Jubbaland, isla markaana la helo maamul loo dhan yahay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa horay u jiray Xildhibaano ka tirsan Jubbaland in laga soo musaafuriyay Kismaayo, kaddib markii ay eedeeyeen Maamulka Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*