Home / CAYAARAHA / RASMI: UEFA Oo Soo Saartay Qiimaynta Kooxaha & Xidhiidhada Yurub Ee 2018 Iyo Spain & Real Madrid Oo Kaalinta Kowaad Laga Riixi Kari Waayay.

RASMI: UEFA Oo Soo Saartay Qiimaynta Kooxaha & Xidhiidhada Yurub Ee 2018 Iyo Spain & Real Madrid Oo Kaalinta Kowaad Laga Riixi Kari Waayay.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurubb ee UEFA ayaa si rasmi ah u shaaciyay qiimaynta sanad laha ah ee ay kooxaha ay maamulaan ku sameeyaan. Qiimaynta UEFA oo ka kooban qayb badan ayay ka mid tahay qiimaynta natiijooyinka shantii sanadood ee ugu danbeeyay ee kooxaha Yurub taas oo lagu saleeyo marka isku aadka Champions League iyo Europa league la samaynayo.

Waxa kale oo qiimayntan ka mid ah natiijada qiimayntii UEFA ee tobankii sanadood ee ugu danbeeyay taas oo lagu saleeyo dhaqaale qaybsiga kooxaha Yurub waxaana jira kooxo magac wayn oo ka maqan min tobanka kooxood ee ugu sareeya qiimaynaha aan soo sheegnay.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa qiimaynaha kala duwan ee ay UEFA soo saartay ka hor dhamaadka 2018 oo ay maalmo koobani ka hadhsan yihiin waana isla qiimaynta ay kooxaha Yurub ula soo wareegi doonaan 2019 maadaama oo ayna jirin kulamo tartamada Yurub ah oo la ciyaarayo maalmaha ka hadhsan 2018

Qiimaynta UEFA Ee Kooxaha Yurub Ee Natiijooyinkii Shantii Sanadood Ee Ugu Danbeeyay Ee Qiimaynta Isku Aadyada Loo Adeegsado.

Kooxda difaacanaysa koobka Champions League ee Real Madrid ayaa wali laga riix kari waayay kaalinta kowaad ee qiimaynta UEFA ee ku salaysan natiijooyinkii shantii sanadood ee ugu danbeeyay ay ka soo heshay kulamadii tartamada kooxaha Yurub.

Real Madrid ayaa haysta 144 dhibcood waxayna aad uga horaysaa kooxaha ku soo xiga ee Bayern Munich iyo Barcelona oo min 127 dhibcood haysta laakiin Atletico Madrid oo kaalinta afraad ku jirta ayaa laba dhibcood oo kaliya ka hoosaysa Bayern Munich iyo Barcelona waxayna kooxda Diego Simeone haysataa 125 dhibcood.

Juventus ayaa kaalinta shanaad ee qiimaynta UEFA ugu jrta 120 dhibcod halka PSG ay kaalinta lixaad ugu fadhido 101 dhibcood. Manchester City ayaa noqotay kooxda Premier league ka tirsan ee qiimaynta ugu saraysa UEFA ka heshay waxayna City ku jirtaa kaalinta 7 aad iyada oo haysta 99 dhibcood.

Kooxda Sevilla ayaa kaalinta 8 aad ugu jirta 99 dhibcood oo ay la wadaagto Man City halka FC Porto ay kaalinta 9 aad ugu fadhido 90 dhibcood waxaana tobanka kooxood ee UEFA qiimaynteeda 2018 ugu sareeya buuxisay Arsenal oo haysta 86 dhibcood.

Sida aad dareemi karto kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa gabi ahaanba ka maqan tobanka kaalmood ee sare ee qiimaynta UEFA waxayna Liverpool ku jirtaa kaalinta 14 aad iyada oo haysata 77 dhibcood waxaana ugu wacan in shantii sanadood ee ugu danbeeyay ayna si joogto ah uga tartamin horyaalada Kooxaha Yurub isla markaana ayna soo helin natiijooyinkii ugu fiicnaa ee ay dhibcaheeda sare ugu qaadi lahayd.

Manchester United oo Liverpool xaaladan kala mid ah ayaa ku jirta kaalinta 15 aad waxayna Red Devils qiimaynta UEFA ka heshay 75 dhibcood halka Chelsea ay ku jirto kaalinta 18 aad waxayna qiimaynta UEFA ka heshay 68 dhibcood.

Halkan kaga bogo tobanka kooxood ee qiimaynta ugu saraysa ka helay UEFA

1 Real Madrid (Spain) 144.000
2 Bayern München (Germay) 127.000*
3 Barcelona (Spain) 127.000*
4 Atlético Madrid (Spain) 125.000
5 Juventus (Italy) 120.000
6 Paris Saint-Germain (France) 101.000
7 Manchester City (England) 99.000*
8 Sevilla  (Spain) 99.000*
9 Porto (Portugal) 90.000
10 Arsenal (England) 86.000

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*