Home / CAYAARAHA / Arsenal Iyo Kooxaha Doonaya Mehdi Benatia Oo War Farxad Leh Kahelaya Xiisaha Ay U Qabaan Daafacan Aan Ku Faraxsanayn Juventus, Maxaa Soo Kordhay.

Arsenal Iyo Kooxaha Doonaya Mehdi Benatia Oo War Farxad Leh Kahelaya Xiisaha Ay U Qabaan Daafacan Aan Ku Faraxsanayn Juventus, Maxaa Soo Kordhay.

Intii lagu guda jiray suuqii xagaaga Arsenal iyo Borussia Dortmund ayaa labaduba lala xiriirinayay in ay soo qaadanayaa daafaca Juventus Mehdi Benatia.

Benatia ayaa xilli ciyaareedkan ku dhibtoonaya in uu boos ka helo safka Juventus, iyada oo tababare Allegri uu ka doorbido in uu safka koobaad kusoo bilaabo Leonardo Bonucci iyo Giorgio Chiellini.

Tan ayaana keentay in Benatia uu iska naco kusii noolaashaha magaalada Turin, xilli ay wararku intaas kudarayaan in uu Bianconeri isaga dhaqaaqi doono suuqa jiilaalka ee furmaya bisha January.

Warkan ayaana ah mid aad usoo jiitay kooxaha daafacan danaynaya ee Arsenal iyo Borussia Dortmund, kuwaas oo xiiso waali ah u muujinaya xiidga Morocco.

Si kastaba ha ahaatee, kooxaha AC Milan iyo Schalke O4, ayaa ah laba kooxood kuwaas oo sidoo kale lala xiriirinayay Benatia.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*