Home / WARARKA DALKA / Golaha ammaanka oo war ka soo saaray xaaladda Somaliya, kadib cayrintii Haysom

Golaha ammaanka oo war ka soo saaray xaaladda Somaliya, kadib cayrintii Haysom

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay xoogga saaraan Xasilloonida ammaan iyo siyaasadeed ee Soomaaliya.

Kulan ay Golaha ammaanka Sabtigii shalay ka yeesheen arrimaha Soomaaliya ayaa looga hadlay go’aanka Dowladda Federaalka ah ku cayrisay Nicholas Haysom iyo diidmada codsigii Qaramada Midoobey Xoghayaheeda.

Kulankan oo ay albaabada u xirnaayeen lagana soo saaray Qodobo dhawr ah ayaa waxaa markii sii hore Golaha ammaanka horgeeyay Dowladda Ingiriiska oo sheegtay in ay taageersan tahay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Dowladda China ayaa Golaha u sheegtay in la ixtiraamo madaxbanaanida, dhuleed, siyaasadeed, Diblumaasiyadeed iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Hadalka China oo sidoo kale ay Jimcihii kulankii deg degga ahaa ka sheegeen ayey isla shalay ku celiyeen waxaana Dowladda China u muuqatay mid la dhacsan go’aanka dowladda Soomaaliya.

Kulankii Sabtigii ayaa lagu sheegay in Soomaaliya uu sanadka 2019-ka u yahay mid aad u adag sidaas darteedna hoggaamiyayaasha Soomaalida ay tahay in ay ka fakaraan mustaqbalka dalkooda.

Waxa kale oo lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay daneyneyso wada shaqeyn wanaagsan oo dhexmarta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*