Home / CAYAARAHA / Kama Iibin Karaan United Iyaga ayaa Faa’iidada Ugu Badan Lahaan Doona, Manchester City Oo Shuruudo Adag Dul Dhigtay Diaz Marka Uu Madrid Caga Dhigto.

Kama Iibin Karaan United Iyaga ayaa Faa’iidada Ugu Badan Lahaan Doona, Manchester City Oo Shuruudo Adag Dul Dhigtay Diaz Marka Uu Madrid Caga Dhigto.

Manchester City Ayaa Da’yarkeeda Diaz U Ogolaatay in uu Ku Biiro Kooxda Kubada Cagta Real Madrid Inkistoo Shuruudo Adag ay Dul Dhigeen Xidigaan.

Brahim Diaz ayaa ku biiri doono kooxda Bernabue ku ciyaarta ee Real Madrid Isniinta beri ah Balse maxay tahay Shuruudaha adag ee Xidigaan Lagu Xeray.

18-jirkan ayaa lagu wadaa Isniinta inuu Madrid ku biiro waxayna ku qaadaneysaa £15.5 million ($19m), iyo £6.5m oo ay gadaal ka bixin doonto.

Real Madrid haddii ay mustaqbalka Diaz iibineyso 15% lacagaha lagu gado Man City ayaa yeelan doonto.

Balse haddii Real Madrid wiilkan mustaqbalka ka iibiso Man United 40% lacagahaas Man City ayaa yeelaneyso sida lagu heshiiyay.

Dhamaan Shuruucda Kor Ku Xusan ayaa Waajib Ku ah Kooxda Real Madrid Hadii ay sida joogtada ah ula wareegaan Diaz.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*