Home / WARARKA DALKA / Abaanduullaha Xoogga Dalka Oo kormeeray jiidaha Dagaalka Ee Gobolka Sh/hoose Sawirro

Abaanduullaha Xoogga Dalka Oo kormeeray jiidaha Dagaalka Ee Gobolka Sh/hoose Sawirro

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeeray difaacyada ciidanka ee duleedka degmada Afgooye gobolka Sh/hoose.

Waxaa kormeerka ku wehliyey taliyaha Guutada 7aad Col. Xassan Maxamed Abuukar iyo saraakiil kale, waxayna u kuur-geleen  xaaladda Ciidanka xoogga dalka ee ku jira difaacyada hore.

Jen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa warbixin ka dhageystay saraakiishii ku sugnayd goobihii uu booqday, isagoo ciidanka Xoogga dalka kula dardaarmay inay joogteeyaan howlgalada looga soo horjeedo Al-shabaab.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*