Home / CAYAARAHA / Lix Sababood Oo Ay Wali Liverpool Ugu Guulaysan Karto Koobka Premier league, Iyo Faah Faahinta Qodobada Jurgen Klopp Caawin Kara.

Lix Sababood Oo Ay Wali Liverpool Ugu Guulaysan Karto Koobka Premier league, Iyo Faah Faahinta Qodobada Jurgen Klopp Caawin Kara.

Kooxda Liverpool ayaa dhawaan guuldaradii ugu horaysay ee Premier league kala soo laabtay Manchester City waxaana u raacday guuldaro kale oo ay FA Cupka kaga hadhay kadib markii uu Jurgen Klopp gabi ahaanba badalay shaxdiisa isla markaana uu ciyaartoy da’yar ah u soo xushay kulankii FA Cupka ee Wolves.

Liverpool ayaa wali ah kooxda hogaaminaysa tartanka koobka premier league waxayna Man City ka saraysaa 4 dhibcood kadib markii 21 kulan la soo ciyaaray taas oo la micno ah in 17 kulan oo kale ay kooxaha Premier League ku sii loolami doonaan koobka premier league iyo kaalmaha sare ee Champions league loogu soo baxayo.

Haddaba waxaa wali jira qodobo muhiim ah oo Liverpool ka caawin kara in ay koobkoodii ugu horeeyay ee Premier league ku guulaystaan tan iyo intii magaca Premier League loo bixiyay horyaalka heerka kowaad ee Enlgand oo ay hore 18 jeer ugu soo guulaysteen.

Ka hor kulankii Man City iyo Liverpool waxaanu idiin soo gudbinay lix sababood oo aanu u arkaynay in kooxda Guardiola ay guul ku gaadhi kartay waxayna ugu dhawaan noqdeen sababihii Jurgen Klopp iyo kooxdiisa Liverpool ay guuldarada ula soo kuleen, balse markan waxaanu eegaynaa sababaha ay Liverpool koobka Premier league ugaga guulaysan karto Man City.

1- In Liverpool Ay Ka Maqan Tahay Tartamada Maxaliga ah Ee EFL Cupka Iyo FA Cupka

Liverpool waxay gabi ahaanba ka maqnaan doontaa saaxada kulamada tartamada maxaliga ah ee EFL Cupka iyo FA Cupka, waxayna taas badalkeeda diirada saari doontaa labada tartan ee ugu muhiimsan oo kala ah Premier league iyo Champions league.

Khabiirka Sky Sports ee Pual Merson ayaa hore Jurgen Klopp ugu soo jeediyay in uu xataa iska ilaawo koobka Champions league si uu koobka Premier league oo kaliya uu diirada u saaro, laakiin markale Merson ayaa si wayn u soo dhaweeyay markii ay Liverpool ka soo hadhay FA Cupka ee guuldaradii Wolves.

Micanaha ugu wayn ee ku jira in Liverpool ka maqan tahay EFL Cupka iyo FA Cupka ayaa ah in ciyaartoyda Liverpool ay helin doonaan waqti badan oo ay ku nasan karaan xiliyada la ciyaarayo kulamadan iyaga oo diirada ku soo jeedin doona kaliya Premier league iyo Champoins league oo ah labada tartan ee koox kastaaba jeclaan lahayd in ay ku guulaysato.

Iyada oo laga soo baxay waqtigii mashquulka badnaa ee Premier league, waxay Liverpool heli doontaa waqtiyo badan oo ay iskugu diyaarin karto kulamada Premier League iyo Champions League, waxaana loo arkaa fursad ay Liverpool heshay oo xataa ka fiican markii ay FA Cupka ku jirtay.

Sidaa daraadeed, qodobka kowaad ee Liverpool ka caawin kara in ay koobka Premier league ku guulaysato ayaa ah in ay waqti fiican u heli doonaan diirada saarida tartankan maadaama oo ay ka maqan yihiin tartamada FA Cupka iyo EFL Cupka.

2- In Man City Ay Afar Tartan Wali Baaqi Ku Tahay Oo Ay Mashquul Badan Gali Doonto.

Manchester City waxay wali baaqi ku tahay dhamaan afartii koob ee ay ku jirtay xili ciyaareedkan oo kala ah Premier league, EFL Cupka, FA Cupka iyo waliba Champions League, wuxuuna Guardiola haystaa fursad uu wali ku sii wadan karo dhamaan afartan tartan balse waxay yeelan karaan saamayn xun oo kooxdiisu ay ku seegi karo fursado ay uguguulaysan karto Premier league ama Champions League.

Manchester City ayaa barri kulanka lugta hore ee afar dhamaadka EFL Cupka la ciyaari doonta kooxda yar ee Burton waxayna sidoo kale Man City ku jirtaa wareega afraad ee FA Cupka, waana kulamo mashquul badan galin doona kooxda Guardiola isla markaana dhibaato kaga noqon kara koobka premier League.

Manchester City ayaa ka mid ah 16ka kooxood ee Champions league ku tartamaya wuxuuna Guardiola doonayaa in xili ciyaareedkan uu helo fursado uu Man City ugu hogaamin karo koobkan ayna waligood finalkiisa soo gaadhin laakiin in Man City ay kuwada jirto tartamada oo dhan ayaa baahinaysa diirada saarida Guardiola ee hal koob.

Sidaa daraadeed, mashquulka badan ee ay Man City ku gali doonto tartamada EFL Cupka oo ay ugu yaraan laba kulan ciyaari doonto, FA Cupka oo ay ugu yaraan hal kulan ciyaari doonto, Champoins league oo ay ugu yaraan laba kulan ciyaari doonto iyo waliba kulamada Premier league ayaa keeni kara in City ay lumin karto difaacashada Premier league taas oo Liverool caawin u noqon karta.

3- Liverpool Oo Xal U Heshay Natiijooyinka Kulamada Kooxaha Yar Yar Ee Koobka loogu Guulaysto.

Liverpool waxay xili ciyaareedkan awooday in ay gabi ahaanba badashay heerkii looga bartay ee koobka Premier league iyada oo meel iska saartay dhamaan kooxihii yar yaraa ee dhibaatada badan ku soo ahaan jiray, waxayna 21 kulan oo la ciyaaray la soo kulantay hal guuldaro oo kaliya oo Man city ka soo gaadhay.

Kulamada Premier League loogu guulaystaa waa kulamada kooxaha yar yar maadaama oo ay yihiin kulamada ugu badan inkasta oo kulamada kooxaha waa wayn laftoodu ay saamayn leeyihiin, balse qaabka uu Klopp ku xaliyay natiijo xumadii Liverpool ee kooxaha meel dhexaadka ama yar yar ee Premeir league ayaa saamayn buuxda leh.

Liverpool waxay kulanka soo socda booqan doontaa Brighton waana kulan la filayo in ay cadho wayn ka muujin doonto guuldaradii Man City, laakiin haddii ay Liverpool sii wadato rekoodhka cajiibka ah ee ay xili ciyaareedkan ku soo burburisay kooxaha yar yar waxay ugu guulaysan kartaa koobka Premier league.

4- Goolhaye Alisson Becker Iyo Van Dijk Oo Ah Labada Xidig Ee Reds Inta Ugu Badan Caawin Doona.

Liverpool ayaa xili ciyaareedkan soo bandhigtay qaab difaacasho layaableh iyada oo aan laba gool hal kulan oo Premier league ah looga dhalin ilaa intii la soo gaadhayay kulankii 21 aad ee Man City, waxayna taas uga mahad celinaysaa goolhaye Alisson Becker iyo Virgil Van Dijk oo door aan la qiyaasin karin ka soo ciyaaray horumarka Liverpool.

Haddii Van Dijk iyo Alisson taam ahaadaan inta xili ciyaareedkan ka hadhsan waxaa hubaal ah in Liverpool ay hayn doonto dariiqa guusha koobka premier league iyada oo waliba Klopp uu hadda rajaynayo in uu kooxdiisa dib ugu heli doono Joel Matip iyo Joe Gomez oo dhaawacyo ku maqan.

Laakiin dhibta ugu wayn ee Jurgen Klopp haysata ayaa ah in ka hor inta aanu helin Matip iyo Gomez uu dhibaato wajihi karo maadama oo uu Dejan Lovern dhaawac ku soo gaadhay kulankii Wolves wuxuuna kulanka Brighton uu ku qasbanaan karaa in Van Dijk iyo Fabinho uu difaaca dhexe u adeegsan doono.

Inkasta oo uu Fabinho shaki badan ka muujiyay kulankiisii ugu horeeyay ee uu difaaca dhexe ugu soo bilawday ee kulankii Wolves, haddana waxaa jiray kalsooni ka soo baxday in haddii uu Van Dijk ka garab ciyaaro uu awood u yeelan doono sidii uu kooxda waqtiga adag uga saari lahaa.

Laakiin xaqiiqdu waxay tahay in rajada ku guulaysiga koobka premier league ee Liverpool ay wax badan ku xidhaan doonto xaalada fiican ee ay ku jiraan Alisson iyo Van Dijk iyada oo haddii ay taam sii ahaadaan isla markaana ay qaab ciyaareedkooda sii ilaashadaan Liverpool ka caawin doonta ku guulaysiga koobka Premier league.

-Maskax Guulaysiga Liverpool Iyo Weerarkooda Oo Door Wayn Ciyaari Kara.

Liverpool waxay ku dhawaatay inay gabi ahaanba ilawdo waxa ay tahay guuldarada Premier league, waxaana taas oo dhadhansiisay Man City, balse heerka maskax guulaysiga kooxda Jurgen Klopp ayaa gabi ahaanab ka duwan sanado badan oo ay ka maqnaayeen koobka premier league.

Weerarka kooxda Liverpool ee ay hogaaminayaan Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Sadio Mane, waxay awood buuxda u leeyihiin in ay burburiyaan difaac kaasta oo ka soo horjeeda waana sabab ay Liverpool xili ciyaareedkan u soo gaadhay guulihii ugu badnaa ee qaybta hore ee xili ciyaareedkii Premier league.

Weerarka Liverpool ayaa kulankii Man City ku soo fashilmay in saamayntii looga bartay garoonka ka sameeyaan laakiin waxaa taas lagu eedeeyay Jurgen Klopp maadaama oo aanu khadkiisa dhexe u soo xulan ciyaartoydii kubbado badan gaadhsiin lahaa MSF.

Haddii qaab ciyaareedka Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino uu ahaado mid ay sii joogteeyaan, isla marakana ay Liverpool sii wadato heerka maskax guulaysigii xili ciyaareedkan, waxay markaaas noqon karaan kooxda ugu dhaw ee kooba loo caleemo saari karo.

6- Afarta Dhibcood Ee ay Haddaba Liverpool Hogaanka Premier league Ku Hayso Oo Si Buuxda U Caawin Kara.

Ugu danbayn Liverpool waxay haddaba haysataa fursadii ay ugu guulaysan lahayd koobka Premier league, sababtoo ah waxay afar dhibcood ka saraysaa kooxda ay sida tooska ah u tartamayaan ee Manchester City, taas oo la micno ah in haddii Man City iyo Liverpool ay guulaystaan kulan kasta oo hadhay, In Liverpool ay koobka sidaa ugu guulaysan karto.

Laakiin iyada oo ayna suurtogal inta badan ahayn in qaybta labaad ee xili ciyaareedka Premier league ay kooxi wada guulaysan karto, haddana Liverpool waxay wali talaabo ka horaysaa Man City, iyada oo waliba Man City dhawaan mari doonto imtixaan adag maadaama oo ay si xidhiidh ah ula ciyaari doonto Chelsea iyo Arsenal.

Haddii maanta horyaalku dhamaan lahaa, Liverpool waxay ahaan lahayd kooxda Championska ah, laakiin in ay hogaanka sii haysato waxay ku xidhaan doontaa laba arimood oo kala ah joogtaynta guulaha Liverpool iyo haddii ay Reds iska lumin doonto dhibcaha ay hadda kaga taxadarayso Man City.

Si kastaba ha ahaatee, isku darka lixda qodob ee aan soo sheegnay ayaa Liverpool ka caawin kara in ay koobka Premier league ku guulaysan karto, laakiin waqtiga ayaa sheegi doona haddii qodobadani noqon doonaan kuwa Jurgen Klopp ka caawin doona koobkiisii ugu horeeyay ee Premier league.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*