Home / WARARKA DALKA / Saciid Cabdulaahi Dani oo loo Doortay Madaxweynaha cusub ee Puntland…

Saciid Cabdulaahi Dani oo loo Doortay Madaxweynaha cusub ee Puntland…

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdi Xakiim Maxamed Axmed ayaa ku dhawaaqay in Saciid Cabdullaahi Deni uu ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Puntland kadib markii Wareega sedexaad uu helay 35-Cod halka Musharax Asad Cusmaan Cabdullaahi oo la tartamayay uu helay 31-cod.

21-Musharax ayaa ku tartameysay Doorashada Madaxweynaha, Iyadoo wareegi koowaad ay kusoo baxeen Sedex Musharax oo kala ah Musharax Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 20 cod, Musharax Generaal Asad Cismaan Cabdulaahi oo helay 17 cod iyo Musharaxa Faarax Cali Shire oo helay 9 cod.

Wareegi Labaad ee Doorashada waxaa ku haray Musharaxa Faarax Cali Shire halka wareega Sedexaad ay u gudbeen Asad Cabdulaahi oo helay 30-cod iyo Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 29 cod.

Amaanka Magaalada garowe iyo Hoolka ay Dooerashada ka dhaceysay ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo 66-Xildhibaanada ay codadkooda dhiibteen.

Sidoo kale waxaa goordhow bilaaban doona Doorashada Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo ay ku tartamayaan 11-Musharax.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*