Home / WARARKA DALKA / Doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka oo Baydhabo lagu qabanaayo

Doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka oo Baydhabo lagu qabanaayo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu wadaa maalinta berri ah inay ka qabsoonto doorashada Kursi ka mid ah Golaha Shacabka Somaliya.

Guddiga Doorashada ayaa sheegay doorashadan inay dhaceyso Berri, waxaana Kursigan oo horay Xildhibaan uga geeriyooday u taagan tartankiisa illaa afar Musharax.

Xildhibaanka Kursigaan ka geeriyooday, ayaa lagu magacaabi jiray Marxuum Xildhibaan Khaliif Sheekh C/laahi Dheere oo xanuun ugu geeriyooday 28/April/2018 Magaalada Muqdisho.

Musharaxiinta Kursigaan ku loolamaysa, ayaa waxa ay kala yihiin.

  1. Isaaq Khaliif Sheekh
  2. C/qadir Shekh Maxamed Nuur
  3. Xasan Macallim Ibraahim
  4. C/laahi Shekh Maxamed

Guddiga Doorashada ayaa sidoo kale sheegay saddex Kursi inay ka banaan tahay Golaha Shacabka Somaliya, kuwaasi oo dhawaan lagu qaban doono deegaan doorashooyinkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*