Home / CAYAARAHA / Daa’uud Cabdullaahi Tubaal oo galabta iskoor gaar ah sameenayo iyo warbixin ku saabsan Super Cup-ka Soomaaliya galabta la cayaarayo:

Daa’uud Cabdullaahi Tubaal oo galabta iskoor gaar ah sameenayo iyo warbixin ku saabsan Super Cup-ka Soomaaliya galabta la cayaarayo:

Cayaaryahan Daa’uud Cabdullaahi Tubaal oo khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Dekadda ayaa ah cayaaryahanka kaliya ee u suura gashay 5-sano ugu dambeesay Super Cup-ka Soomaaliya la cayaarayo afar sano sano ka mid ah inuu cayaaro.

Daa’uud Cabdullaahi Tubaal sedexdii Super Cup ugu dambeesay uu cayaaray mid wuu ku guuleestay asigoo Jeenyo ka tirsan midna waa laga qaaday halka midka kalena laga qaaday asigoo Dekadda ka tirsan.

Wuxuuna galabta rabaa inuu gacanta ku dhigo Super Cup-ka taasi oo ka caawin doonto afarii Super Cup ugu dambeesay uu cayaaray labo inuu ku guuleesto labana laga qaado.

Fadlan qoraalka hoose kaga bogo 5-sano ugu dambeesay Super Cup-ka Soomaaliya la cayaarayo:

2013 Banadir 1-1 Elman (Elman ayaa rigoorayaal ku qaaday)

2014 Jeenyo 2-2 Banaadir (Jeenyo ayaa rigoorayaal ku qaaday)

2015 Horseed 2-1 Heegan

2016 Jeenyo 1-1 Benaadir (Banaadir ayaa rigoorayaal ku qaaday)

2017 Elman 1-0 Dekada

2019 Dekada vs Mogdishu City (Ex Benaadir SC)

F.G: Super Cup-kii jadwalka ahaa in 2018 la cayaaro ayaa usoo dhacay waqti ahaan in 2019 la cayaaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*