Home / CAYAARAHA / Wax Ka Ogoow Qarnigaan 21-aad Saxiixyadii Ugu Fiicnaan Ee Laka Qaato Bisha Janaayo.

Wax Ka Ogoow Qarnigaan 21-aad Saxiixyadii Ugu Fiicnaan Ee Laka Qaato Bisha Janaayo.

Xiriirka kubada cagta ee Uefa Ayaa Website-kooda www.uefa.com  Ku Baahiyay Liis Ciyaartooy Kubaas Oo Ay U Arkaan in Ahaayeen Qarnigaan Xidigihii Ugu Fiicnaa Ee Lakala Iibsido Gaar Ahaan Bisha Janaayo.

Halkaan Ka Aqriso Liiska Xidigaha Oo Dhameestiran:

Virgil van Dijk (Southampton to Liverpool, 2018)

Waxa uu Noqday Xidig Si Wanaagsan ula Qabsada Kooxda Ku Ciyaarta Garoonka Anfield, Liverpool Waxay u Arkaan Saxiidooda Ugu Fiicnaa ee Tariikhda Ka Sameeyan Suuqa kala iibsiga.

Kevin De Bruyne (Chelsea to Wolfsburg, 2014)

Waxa uu isga tagay Kooxda Chelsea oo uu kursiga keedka ka galay, Xilli Ciyaareedkii 2014/15 Waxa uu sameeyay Rikoorka caawiyaha ugu sareeya Horyaalada Yurub Waxa Uuna Caawiyay 21-gool sido kale waxa uu dhaliyay 16-gool Dhamaan Tartamada Tasoo Dhalisay In Ay kooxo Badan Soo Hunguriyeeyaan.

Ivan Rakitić (Schalke to Sevilla, 2011)

Wiilka Swiss Ku Dhashay Balse Dhalashadiisa rasmiga ay Tahay Croatia ayaa ka mid ah liiska Xidigaha Bisha Janaayo Lakala Qaatay Qarnigaan, Waxa uu Noqday Markii uu Savilla Soo Caga Dhigtay Kabtankii Ugu Horeeyay oo Ajnabi ah kasoo Hogaamiya kooxda Reer Andalusia.

Luis Suárez (Ajax to Liverpool, 2011)

Waxaa Ay U Soo Qaateen Sideed Sano Ka Hor Badalka Torres oo Chelsea Ku biiray Waxa uuna Ka Soo Baxay Sababtii Loo Soo iibsaday Asigoo Ugu Dambeen €82.3m ugu Biiray kooxda Barcelona.

Andrea Barzagli (Wolfsburg to Juventus, 2011)

Difaacan ayaa Bianconeri ay usoo iibsatay si ay ugu xoojiso difaaceeda, xilligaas waxa uu si wacan ula hana qaaday Leonardo Bonucci, Giorgio Chiellini iyo Gianluigi Buffon.

Marcelo (Fluminense to Real Madrid, 2007)

Waxa uu ahaa xilligaas mid suuqa kala iibsiga ah si aad ah looga baadi goobayay sida uu hoosta ka xarriiqay Ramon Calderon oo ahaa Madaxweynaha Real Madrid, Waxaana muddada uu Santiago Bernabeu joogo kula guuleystay Los Blancos afar jeer tartanka Champions League-ga.

Klaas-Jan Huntelaar (Heerenveen to Ajax, 2006)

Saxiixan waxa uu ahaa mid muhiim u ah kooxda Ajax ee dalka Holland isagoo qaab ciyaareed la yaab leh kusoo bandhigay kooxda ka dhisan Amesterdam, isagoo saddex jiilaal ka dib Real Madrid ku biirray.

Nemanja Vidić (Spartak Moskva to Manchester United, 2006)

Inkastoo Liverpool iyo Fiorentina ay ku dagaallamayeen saxiixiisa, haddana Sir Alex Ferguson ayaa gacanta kusoo dhigay mid ka mid ah xiddigahii ugu wanaagsanaa ee suuqii jiilaalka sanadkaas lagu kala qaatay, waxaana sidoo kale jiilaalkaas ay lasoo saxiixatay Patrice Evra.

Dejan Stanković (Lazio to Inter, 2004)

Dhaqaalo xumo heysay awgeed, Lazio way awoodi weysay inay diiddo dalabkii ka yimid Inter Milan, waxaana xiddiggii khadka dhexe ku sameeyay Nerazzuri bandhig iyo wax qabad la taaban karo, isagoo Champions League-ga kula guuleystay 2010.

Jaap Stam (Willem II to PSV, 1996)

Stam keliya lix bilood ayuu ka tirsanaa Willem, waxaase xusid mudan in PSV ay xilligaas ay gacanta kusoo dhigtay difaacii aad u sarreeya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*