Home / CAYAARAHA / Kylian Mbappé oo horyaalka France iskoor cusub kusoo kordhiyay iyo Guusha kooxdiisa PSG Gaartay

Kylian Mbappé oo horyaalka France iskoor cusub kusoo kordhiyay iyo Guusha kooxdiisa PSG Gaartay

Naadiga PSG ayaa 3-0 kaga badisay kooxda Nimes kulan ka tirsanaa Ligue 1-ka France waxaana goolasha u dhaliyeen Christopher Nkunku (40′), Kylian Mbappé (69′, 89′).

Guusha PSG ay gaartay waxay kaga dhigan tahay inay 17-dhibcood naadiga Lille hogaanka kaga hayaan oo weliba PSG kulan lasii dheer yahay kulamada ay Lille cayaartay!

Balse wiilka dhalinta yar Kylian Mbappé ayaa iskoor cusub Ligue 1-ka France kusoo kordhiyay kadib markii uu noqday cayaaryahanka ugu dhalinta yar horyaalka France taariikh ahaan ee 50-gool ka dhaliyo horyaalkan wuxuuna jiraa 20-sano, 3-bilood iyo 2-maalmood.

Mbappé iyo waxqabadkiisa horyaalka France AS Monaco+PSG hoos ka eeg:

88-kulan
50-gool
23-caawinaad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*