Home / CAYAARAHA / HORDHACYO: Chelsea Vs Tottenham, Arsenal Vs Bournemouth-Dagaalka Kaalinta Afraad Oo Heerkii Ugu Adkaa Galay Iyo Blues Oo Imtixaankii Ugu Waynaa Maraysa.

HORDHACYO: Chelsea Vs Tottenham, Arsenal Vs Bournemouth-Dagaalka Kaalinta Afraad Oo Heerkii Ugu Adkaa Galay Iyo Blues Oo Imtixaankii Ugu Waynaa Maraysa.

Caawa waxay noqon doontaa habeen muhiimad wayn u leh kooxaha kaalinta afraad ee Premier league ku dagaalamaya maadaama oo ay isla hal saac wada ciyaari doonaan dhamaan kooxaha ku tartamaya in ay kaalinta afraad ku soo baxaan ee Chelsea, Arsenal iyo Man United.

Arsenal ayaa kaalinta afraad sii gashay laakiin waxay imtixaan adag ku mari doonaan kulanka Emirates Stadium ee ay soo dhawaynayaan kooxda aan la saadaalin karin ee Bournemouth laakiin kooxda Maurizio Sarri oo 120 daqiiqo oo guuldaro ah ku soo ciyaartay Wembley Stadium ayay nasiib xumo ku tahay in ay Tottenham la ciyaarayaan.

Kulanka Arsenal Vs Bournemouth

Arsenal ayaa bilaabanaysa kulamo qeexi kara xili ciyaareedka kooxdeeda waxayna marka hore la ciyaari doontaa Bournemouth oo kooxaha waa wayn dhibaato ku abuurta halka ay sidoo kale dhawaan la ciyaari doonaan Man United oo ay kaalinta afraad isku haystaan waxayna sidoo kale laba kulan la ciyaari doonaan kooxda Rennes  ee tartanka Europa League waana sababta uu Emery u galay waqtigii ugu muhiimsanaa ee xili ciyaareedka.

Wararka Kooxaha Arsenal iyo Bournemouth:

Labada tababare waxaa suurtogal ah in ay isbadalo samayn karaan wuxuuna Emery hal il ku sii ahayaa kulanka North London Derby waxaana la filayaa in uu kaydka dhigi doono Sokratis Papastathopoulos iyo Aaron Ramsey , waxaana suurtogal ah in Emery uu nasin karo Granit Xhaka.

Mesut Ozil ayaa shaxda Arsenal ku soo laaban kara hala Denis Suarez uu rajaynayo in kulankiisii ugu horeeyay ee Premier leauge uu shaxda Emery ku soo bilawdo tan iyo markii uu bishii January amaah ugaga soo wareegay Barca.

Unai Emery ayaa la filayaa in uu weerarka ka sii ciyaar siin doono xidiga gool dhalinta ugu badan kooxdiisa u soo sameeyay Aubameyang.

Dhinaca Bournemouth waxaa ganaax kaga maqnaan doona Jefferson Lerma halka Andrew Surman uu shaxda dib ugu soo laaban doono waxaana suurtogal ah in Diego Rico iyo Charlie Daniel ay kulankan ciyaari karaan.

Shaxda Macquulka Ah Ee Arsenal vs Bournemouth:

Arsenal : Leno; Maitland-Niles, Mustafi, Koscielny, Monreal; Torreira, Guendouzi; Suarez, Ozil, Iwobi; Aubameyang

Bournemouth: Boruc; Clyne, Mepham, Ake, Rico; Ibe, Gosling, Surman, Fraser; King; Mousset

Waqtiga Ciyaartu Bilaamayso: 11:00 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Chelsea oo wali la xanuunsanaysa guuldaradii daalka badnayd ee ka soo gaadhay finalkii EFL Cupka oo ay 120 daqiiqo ciyaareen ayaa markale wajahaysa kooxda Tottenham oo iyada lafteedu wali xusuusan guuldaradii Burnley ka soo gaadhay ee kulankii Premier League ugu danbeeyay.

Chelsea waxay haysataa fursad muhiim ah haddii ay caawa saddexda dhibcood ka hesho kulanka Tottenham maadaama oo kulankii Brighton uu u baaqday isla markaana ay Man United dhibco lumisay balse Blues ayaa maanka ku haysa muhiimada kulanka Spurs iyo waliba sida kulamada caawa ee Man United iyo Arsenal ay saamayn ugu yeelan karaan.

Wararka Chelsea Iyo Tottenahm ee ka hor kulankan:

Maurzio Sarri ayay suurtogal tahay in uu ka fikiro isbadal uu shaxdiisa ku samayn karo maadaama oo ay 120 daqiiqo soo ciyaareen kualnkii Man City ee EFL Cupka iyada oo ayna jamaahiirta Blues jeclaysan doonin haddii uu Marcos Alsonso ku soo celiyo difaaca bidix kadib bandhigii ficnaa ee uu Emerson ka sameeyay Wembley Stadium.

Gary Cahil oo aan door ku lahayn shaxda Sarri ayaa dhibaato dhabarka ah la tacaalaya halka Davide Zappacosta uu virus hayo. Callum Hudson-Odoi iyo Gonzalo Higuain ayaa la filayaa in Sarri uu shaxdiisa ku soo bilaabi karo.

Sarri ayaa go’aan ka gaadhi doona haddii uu goolkiisa ku soo bilaabi doono Kepa oo si dhaqan xumo ah u diiday amarkiisii uu ku badalayay waxaana suurtogal ah in Willy Caballero  uu siiyo fursada uu shaxdiisa ugu soo bilaaban karo kadib waji gabixii ku dhacay markii uu Kepa diiday in uu ciyaarta soo galo.

Dhinaca Tottenham warka ugu fiicnayn ee ay guuldaradii Burnley ka heleen ayaa ahayd in Harry Kane uu soo laabtay isla markaana uu gool dhaliyay laakiin Eric Dier oo xanuun ku maqnaa usbuuc dhamaadkii ayaa la filayaa in uu soo laaban doono.

Kieran Trippier iyo Davinson Sanchez oo la nasiyay kulankii Burnley ayaa soo labaan doona laakiin Pochettino ayaan wali haysan adeegii Dele Alli kaas oo dhaawac ku maqan.

Shaxda Macquulka Ah Ee Chelsea Vs Tottenham

Chelsea: Kepa; Azpilicueta, Rudiger, Luiz, Alonso; Kante, Jorginho, Kovacic; Hudson-Odoi, Higuain, Hazard

Tottenham Hotspur: Lloris; Alderweireld, Sanchez, Vertonghen; Trippier, Sissoko, Winks, Davies; Eriksen; Kane, Son

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*