Home / CAYAARAHA / Barcelona Oo Real Madrid Ku Dubatay Santiago Bernabeu, Luis Suarez Oo Laba Gool Dhaliyay Iyo Blaugrana Oo Iska Xaadirisay Finalka Copa Del Rey.

Barcelona Oo Real Madrid Ku Dubatay Santiago Bernabeu, Luis Suarez Oo Laba Gool Dhaliyay Iyo Blaugrana Oo Iska Xaadirisay Finalka Copa Del Rey.

Barcelona ayaa Santiago Bernabeu ku soo dubatay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Real Madrid waxayna kooxda Valverde iska xaadirisay finalka Copa Del Rey oo ay ku soo guulaysteen afartii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay.

Real Madrid oo marti loo ahaa ayaa laga filayay in ay haysatay fursada ugu fiican ee ay ugu soo bixi kartay finalka Copa Del Rey maadaama oo ay hore gool ugu soo dhaliyeen Camp Nou laakiin Barcelona ayaa 3-0 ku dubatay Real Madrid oo Bernabeu joogta waxayna finalka ugu soo baxeen wadarta labada kulan oo 4-1 ah.

Real Madrid ayaa markale si waji gabax ah Bernabeu ugaga hadhay Copa Del Rey iyada oo xili ciyaareedkii hore la ogaa qaabkii ay Leganes isla Bernabeu tartankan ugaga xidhibtirtay.

Luis Suarez ayaa laba gool dhaliyay halka goolka kale uu ahaa mid uu Varane iska dhaliyay waxayna hadda Barcelona sugaysaa Valencia iyo Real Betis midka ay finalka Copa Del Rey kula ciyaari doonto.

Qaybtii hore ee kulankii El Claisco-da ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa ahaa mid ay labada kooxood taxadar aad u badan ka samaynayeen waqtiga ay weerar galayaan taas oo keentay in ciyaartu ay inta badan qaybtii hore ahayd mid xidh xidhan oo aan u xamaasad badnayn sidii laga filayay.

Laakiin labada kooxood ayaa sameeyay dhawr fursadood oo ay farqi ku samayn kareen balse qaybtii hore ee ciyaarta ayaan noqon mid wax goolal ah la kala dhaliyay. Ciyaarta ayaa ahayd mid tatiko ahaan u xidh dhinayd waxayna qaybtii hore noqotay mid ayna waxba ka badalin natiijadii kulankii lugtii hore ee Camp Nou.

Wax walba oo ay Real Madrid iyo Barcelona ku raadiyeen goolka furitaanka ayay qaybtii hore awoodi waayeen iyada oo kooxda martida ahayd ee Barca inta badan kubbada haysatay balse aan uga faa’iidaysan in ay wax farqi ah ku samayso, waxaana qaybtii hore lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Barcelona ahayd kooxda culays ka dareemaysay goolkii martida ahaa ee Real Madrid waxayna soo laabteen iyaga oo ay ka go’nayd in ay shabaqa Madrid gaadhaan.

Daqiiqadii 50 aad Barcelona ayaa ugu danbayn jabisay ismari waagii ciyaarta waxaana goolka furitaanka u saxiixay Luis Suarez oo aan wax badan ka soo qaban qaybtii ee ciyaarta wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbad caawin uu soo sameeyay Ousmane Demeble waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Barca hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Real Madrid ayaa markan noqotay kooxda uu culayskii ku wareegay waxayna markooda bilaabeen in ay u dagaalamaan sidii ay ciyaarta ugu soo laaban lahaayeen maadaama oo ay Barca goolka ay dhalisay ugu soo baxsanayd finalka Copa Del Rey.

Real Madrid ayaa heshay fursado xidhiidh ah oo aan la rumaysan karin sida ayna goolal ugu dhalin laakiin waxaa sababta ugu wayn ahaa in Ter Stegen uu sameeyay gool badbaadino cajiib ah si uu kooxdiisa Barca hogaanka ciyaarta ugu sii ilaaliyo.

Daqiiqadii 68 aad Solari ayaa ciyaarta ka saaray Lucas Vázquez oo ayna habeenkiisii ahayn kaas oo kaadhka digniinta ah qaatay wuxuuna soo galiyay Gareth Bale laakiin Barcelona ayaa la soo baxday qaab ciyaareed waali ah oo ay Real Madrid daqiiqado ku burburisay.

Daqiiqadii 69 aad Barcelona ayaa heshay goolkeeda labaad ee ciyaarta kadib markii uu Dembele kubbad kala soo xarooday dhinaca midig isla markaana uu Suarez kubbada u soo hormariyay goolka Madrid hortiisa laakiin Varane oo isku dayay in uu kubbada badbaadiyo ayaa goolka labaad ee Barca iska dhaliyay waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Barcelona hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

Daqiiqadii 72 aad rekoodhe Casemiro ayaa musiibo kale ku sii abuuray kooxdiisa Real Madrid kadib markii uu ku fashilmay in uu joojiyo Luis Suarez oo kubbad la soo dhex galay xerada ganaaxa isla markaana goolka u furnaa wuxuuna Casemiro si cadaan ah iskugu taagay lugta Suarez taas oo keentay in kaadhka digniinta ah la siiyo isla markaana rekoodhe lagu dhigay Madrid.

Daqiiqadii 73 aad Luis Suarez ayaa si layaableh u tuuray rekoodhaha kooxdiisa lagu abaal mariyay iyada oo Lionel Messi uu xidiga reer Urugauay u dhaafay in uu tuuro rekoodhaha qaladkiisa lagu galay waxayna ciyaartu noqotay 3-0 ay Barca ku dubanayso Real Madrid.

Daqiiqadii 75 aad Solari ayaa ciyaarta ka saaray Casemiro wuxuuna soo galiyay Valverde iyada oo Valverde uu kaga jawaabay in uu Coutinho ciyaarta soo galiyay kadib markii uu saaray Dembele waxayna ciyaartu noqotay mid ay Barca culayskii o dhan saartay Real Madrid.

Real Madrid ayaan awoodi in ay wax goolal ah ku dhaliso Bernabeu taas oo keentay in ugu danbayn ciyaartu ay ku dhamaatay 3-0 ay Barcelona guul wayn oo kale uguga gaadhay Real Madrid waxayna hadda u muuqataa i Solari uu markiisa mari doono su’aalo adag oo mustaqbalkiisa horyaala.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*