Home / CAYAARAHA / RASMI; Maclinkii hore ee kooxaha Ajax, Barcelon, Bayern Munich iyo Manchester United Luis van Gaal oo si rasmi ah uga fariistay shaqooyinkii tababarnimo.

RASMI; Maclinkii hore ee kooxaha Ajax, Barcelon, Bayern Munich iyo Manchester United Luis van Gaal oo si rasmi ah uga fariistay shaqooyinkii tababarnimo.

Macalinkii hore ee kooxaha Manchestrer United, Bayern Munich, Barcelona iyo Ajax Amsterdam ayaa maanta ku dhawaaqay inuu si rasmi ah uga fariistya howlihii tababarnimo ee uu heyn jiray mudadii uu ku dhex jiray kubadda cagta.

Luis van Gaal oo kooxda Ajax Amsterdam kula soo guuleystay tartanka Uefa Champions League mudadii uu uu macalinka u ahaa ayaa soo maamulay qaar kamid ah kooxaha ugu waaweyn kubadda cagta aduunka iyo waliba qaranka Netherland.

Van Gaal ayaa mudo 6 sano ah soo hayay kooxda Ajax mudadii u dhaxeysay 19991dii ilaa 1997dii wuxuuna mudadaas kula guuleystay tartanka ugu xiisaha badan qaarada yuru ee Uefa Champions League asigoona kadib uga baqoolay dhankaas iyo kooxda Barcelona wuxuuna hayay mudo sadax sano.

Van Gaal ayaa Bayern Munich qabtay sanadkii 2009kii wuxuuna geeyay finalka Uefa Champions League wuxuuna hayay kaliya mudo labo sano ah ah.

Lusi van Gaal ayaa qarankiisa Netherland labo mar macalin u noqday waxayna kala ahaayeen 2000-2002dii iyo 2012-2014tii asigoo markii dambe geeyay Sami Finalka koobka aduunka.

Luis van Gaal ayaa 2014tii macalin u noqday kooxda Manchester United wuxuuna hayay mudo labo sano tan iyo markaasna ma uusan qabanin wax shaqo ah asigoo ugu dambeyn maanta ku dhawaaqay inuu gabi ahaanba howlihii tababarnimo ka fariistay asigoo jira 67 sano.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*