Home / CAYAARAHA / RASMI; Real Madrid oo ku dhawaaqday in Solari ceyrisay badalkiisana macalin Zidane magacowday.

RASMI; Real Madrid oo ku dhawaaqday in Solari ceyrisay badalkiisana macalin Zidane magacowday.

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa si rasmi ah u shaacisay in macalinka kooxda ilaa laga gaarayo 2022da uu yahay macalin Zidane kadib markii ay shaqada ka ceyriyeen Santiago Solari.

Real Madrid oo sanadkaan gashay jahwareer ayaa dib usoo ceshatay macalin Zidane oo horay ugu qaaday sadax koob oo Uefa Champions League kadib 2 sano iyo bar oo uu kooxda ku qaatay.

Zidane ayaa lagu soo waramayaa in loo balan qaaday in sanadka dambe loo keeni doono xidigo ay kamid yihiin Eden Hazard iyo Klyian Mbappe iyo tiro cayaaryahano kale oo dooqiisa ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*