Home / WARARKA DALKA / Taliyaha ciidamada Booliska AMISOM oo ku geeriyootay shilka diyaaradeed ee Ethiopian Airlines

Taliyaha ciidamada Booliska AMISOM oo ku geeriyootay shilka diyaaradeed ee Ethiopian Airlines

Kusimaha Taliyiha ciidamada Booliska AMISOM Cristine Alola ayaa ka mid noqotay dadkii ku geeriyooday shilkii diyaaradeed ee Ethiopian Airlines.

Alola oo u dhalatay dalka Uganda ayaa ku sii jeeday magaalada Nairobi waxaana xaqiijiyay geerideeda ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ee Hawlgalka AMISOM, Simom Mulongo.

Diyaarada Ethiopian Airlines ee shalay ku burburtay meel ku dhow Tuulladda Tulu Fara ee duleedka magaaladda Bishoftu oo 60-KM dhanka K/bari kaga toosan magaaladda Addis Ababa ayaa waxaa ku dhintay dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa diyaarada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*