Home / CAYAARAHA / Virgil van Dijk oo kahor kulanka Bayern Munich saaxiibadiisa Liverpool ku booriyay in qaab ciyaareedkooda kor u qaadaan kulamada ay dibada ku cayaaraan.

Virgil van Dijk oo kahor kulanka Bayern Munich saaxiibadiisa Liverpool ku booriyay in qaab ciyaareedkooda kor u qaadaan kulamada ay dibada ku cayaaraan.

Daafaca kooxda kubadda cagta Liverpool Virgil van Dijka ayaa saaxiibadiisa ay isku kooxda yihiin u sheegay in qaab cayaareedkooda kulamada Awayga ay yihiin kor u qaadaan iyadoo xusid mudantahay in Liverpool habeen dambe marti u noqon doonto kooxda Bayern Munich.

Van Dijk ayaa saaxiibadiisa kaga digay halista kooxda Bayern Munich oo gurigeeda joogto wuxuuna yiri mar uu saxaafada la hadlaayay; “waxaan la kulmi doonaa waqtiyo dhib badan inta ay cayaarta socoto waxaana bartanka ka gali doonaa cadaadis weyn waayo waxay heystaan inbadan oo laacibiin ah kuwaasoo tayo sare leh oo ay horay usoo bandhigeen, laakiin anaga xitaa waqtigeena waan qaadan doonaa waayo anagaba waan heysanaaa laaciibiin tayo sare leh”

Vand Dijka ayaa intaas kadib yiri; “dhamaanteena waan ognahay sida koobka Horyaalada yurub u dhib-badanyahay, halka mowqifkeena haatana uu yahay inaan cayaarta ku bilaaban doono ayadoo 0-0 ah waxaana rajeynaa inaan dhameystirno muhiimada noo dhiman”.

Waxaa xusid mudan in Liverpool kulank Away guul gaarto ugu dambeysay kulankii City kula cayaareen Ettihad sanadkii hore kulan katirsanaa wareega 8aad wixii markaas ka dambeeyay 5 kula oo ay away ku cayaareen dhamaantooda waa laga badiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*