Home / CAYAARAHA / Everton oo Guuldaro Xanuun Badan Dhabarka u Saarisay Kooxda Chelsea oo Marti ugu aheyd Goodison Park.

Everton oo Guuldaro Xanuun Badan Dhabarka u Saarisay Kooxda Chelsea oo Marti ugu aheyd Goodison Park.

Kooxda kubadda cagta Everton ayaa guuldaro xanuun badan dhabarka u saarisay kooxda Chelsea taasoo awoodi weysay iney ka faaideysato kulanka baaqiga u ahaa isla markaasna kaalinta 5aad kala baxdo kooxda Manchester United.

Qeybtii hore cayaarta inkastoo aanan wax goolal la iska dhalinin hadana Chelsea ayaa aheyd ooxda jaanisyada ugu badan abuurtay iyadoo Eden Hazard uu qarka u fuulay inuu kooxdiisa hogaanka u dhiibo hase yeeshee birta ayaa la cayaartay.

Markii la isku soo laabtay ayay wax walba is badaleyn kadib markii daqiiqadii 49aad uu Richarlison gool kaga naxsaday Chelsea asigoona u suurto galiyay kooxdiisa iney hogaanka cayaarta la wareegto.

Chelsea oo ka careysan goolka looga hormaray ayaa weerar dhinac kasta kaga soo qaaday Everton balse waxay ku guuldareysatay in jaanisyada ay helaan gool u sarifaan.

Daqiiqadii 72aad Everton ayaa heshay goolkeedii labaad kadib markii uu Sigurdsson dhaliyay gool rigoore ahaa oo Richarlson lagu galay wuxuuna cayaarta ka dhigay 2-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa.

Chelsea ayaa isku dayday iney in ugu yaraan goolka rajada la imaadaan waxaase jaaniskasta ka beeninayay goolhaye Bickford iyo daafaca Everton.

Ugu dambeyn cayaarta ayaa natiijadaas ku dhamaatay waxayna guuldaradaan ka dhigantahay in Chelsea wali fadhiso booska 6aad waxayna iska khasaariyeen jaanis ay booska 5aad kala bixi lahaayeen kooxda Manchester United iyagoo waliba farqiga dhibcaha la wadaagi lahaa kooxda kaalinta 4aad fadhiso ee Arsenal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*