Home / CAYAARAHA / Liverpool oo Guul Muhiim ah ka Gaartay Kooxda Fulham isla Markaasna Hogaanka Horyaalka si kumeel Gaar ah ula Wareegtay.
LONDON, ENGLAND - MARCH 17: James Milner of Liverpool scores his sides second goal from the penalty spot during the Premier League match between Fulham FC and Liverpool FC at Craven Cottage on March 17, 2019 in London, United Kingdom. (Photo by Michael Regan/Getty Images)

Liverpool oo Guul Muhiim ah ka Gaartay Kooxda Fulham isla Markaasna Hogaanka Horyaalka si kumeel Gaar ah ula Wareegtay.

Kooxda kubadda cagta Liverpool oo loolan ba’an kula jirtay tartanka Horyaalka Kooxda Manchester City ayaa guul weyn misna aad ugu muhiim ah ka gaartay kooxda qarka u saaran iney u laabato heerka labaad ee Fulham.

Liverpool oo kulamadii ugu dambeeyay ee ku cayaartay meel aan garoonkeeda aheyn aad ugu dhibtooneysay isla markaasna dhibco badan ku lumisay ayaa kulankaan dooneysay iney sadaxda dhibcood gacanta ku dhigto si ay hogaanka Horyaalka dib ugula wareegaan kooxda Manchester City oo kulan u baaqday.

Daqiiqadii 26aad ayay Liverpool heshay goolkii furitaanka waxaana cayaarta 0-1 ka dhigay wiilka baryahaan wacdaraha dhigayo ee Sadio Mane kaasoo goolkiisii 17aad ee Horyaal u dhaliyay Liverpool qeybtii hore ee cayaarta ayaa lagu kala nasta goolkaas

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ayay kooxda Fulham la timidi goolkii barbaraha ahaa kadib markii uu xidigii hore ee kooxda Liverpool Ryan Babel haatana u cayaaro Fulham uu ka faaideystay khalad ay si wadajir u sameeyeen Virgil van Dijk iyo Allison Beckar asigoona cayaarta ka dhigay 1-1 daqiiqadii 78aad.

Hase yeeshee labo daqiiqo kadib Liverpool ayaa hogaaminta cayaarta kusoo laabatay kadib markii uu Milner dhaliyay gool Rigoore ah si uu cayaarta uga dhigo 1-2.

Ugu dambeyn cayaarta ayaa natiijadaas ku dhamaatay waxayna tani ka dhigantahay in Liverpool haatan hogaaminta Horyaalka ku qabatay farqi 2 dhibcood ah iyadoona ka warsugi doonta natiijada kulanka u baaqday kooxda Manchester City.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*