Home / WARARKA DALKA / Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo baaq degdeg ka soo saartay dagaallo ka dhacay Sh/Dhexe iyo G/galaduud

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo baaq degdeg ka soo saartay dagaallo ka dhacay Sh/Dhexe iyo G/galaduud

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Arrimaha Federaalka dowladda Soomaaliya ayaa baaq ka soo saartay dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in kaalin weyn ay ka qaadaneyso dib u heshiisiinta oo ka mid ah howlaha ay wasaaraddu u xil saaran tahay.

Mas’uuliyiinta Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa loogu baaqay inay u istaagaan sidii loo damin lahaa colaaddaas, loona xalin lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan.

Dagaalo ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay deegaan ka tirsan degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*