Home / WARARKA DALKA / Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirka qiimeynta Waxqabadka Wasaaradda Warfaafinta XFS.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirka qiimeynta Waxqabadka Wasaaradda Warfaafinta XFS.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta soo xiray Shirka qiimeynta iyo Dejinta qorsheyaasha  Wasaaradda Warfaafinta XFS ee 2019-2020, kaasi oo muddo seddex maalin ah ka socday magaaladda Muqdisho.

Shirkaan oo ah mid lagu qiimeynayey waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradda Warfaafinta sanadkii la soo dhaafay ee 2018-ka iyo Dejinta qorsheyaasha Wasaaradda Warfaafinta XFS ee 2019-2020 ayaa mudadii uu socday diirada lagu saaray waxqabadka Waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta iyo in shaqada hadda socoto loo diyaariyo waxa asalka ah si loogu fur-furnaado shaqada Wasaaradda warfaafinta loo igmaday.

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Axmed Xuseen oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Seddexdii cisho ee shirka uu socday  looga hadlay siddii Waxqabadka waaxyaha Wasaaradda loo qiimeyn lahaa loona dar dar gelin lahaa howlaha socda.

Shirkaan oo 16-kii bishan furmay ayaa waaxyaha, Agaasinka iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda Warfaafinta waxay ku soo bandhigeen howlahooda shaqo ee hadda iyo kan mustaqbalka u degsan iyo siddii loo gaari lahaa Waxyaabaha halbeegyada u ah Waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumaadda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*