Home / CAYAARAHA / Barcelona Oo Suuqa Soo Dhigtay Phllippe Coutinho iyo kooxaha Waaweyn oo ay Dhagta u Taagantahay.

Barcelona Oo Suuqa Soo Dhigtay Phllippe Coutinho iyo kooxaha Waaweyn oo ay Dhagta u Taagantahay.

Mustaqbalka laacibka kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa qeyb ka ah su’aalaha ugu waaweyn ee horyaalo kooxda Barcelona xagaagan markuu dib u furmo suuqa kala iibsiga cayaartooyda.

Wabsetka caalamiga ah ee Goal oo soo xiganaya wargeysyo Spain kasoo baxa ayaa sheegay in Barcelona ay suuqa kala iibsiga soo dhigi doonto laacibkeeda Phillippe Coutinho iyadoona kooxdii rabto ay ku heli karto qiimo dhan 80M oo Ginni.

Laacibkaan oo sanadkii hore kooxda Barcelona kaga soo biiray dhankaas iyo Liverpool qiimo lacageed oo dhan 150M ayaa six un ugu fashilmay inuu la qabsado qaab ciyaareedkooda asigoona lagu hungoobay in laga gaaro hamigii laga lahaa ee aha inuu buuxin karo booska uu kooxda Barcelona ka baneeyay Neymar JR,

Kooxaha Liverpool PSG iyo waliba Manchester United ayaa lagu wadaa iney xidigaan dalab rasmi ka gudbiyaan iyadoona Barcelona haatan diyaar u tahay iney wada hadal la furto kooxdii qiimaha ay ku rabto miiska soo saarto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*