Home / CAYAARAHA / RASMI; Xiriirka kubada cagta UEFA oo ganaax garka u galisay Ronaldo. Miyuu seegi doonaa kulanka Ajax??

RASMI; Xiriirka kubada cagta UEFA oo ganaax garka u galisay Ronaldo. Miyuu seegi doonaa kulanka Ajax??

Xiriirka kubadda cagta qaarada yurub ee markii lasoo gaabiyo loo yaqaano UEFA ayaa ku ganaaxay laacibka kooxda kubadda cagta Juventus aflagaadadii uu u geystay taageerayaasha kooxda Atlatico Madrid.

Ronaldo oo sadaxley dhaliyay kulankii ka dhacay magaalada Torino ayaa lagu soo eedeeyay inuu jamaahiirta Atlatico Madrid u geystay aflagaado kadib markii kooxdiisa Juventus usoo baxday wareega 8aad ee tartanka UCL.

Hadaba gudiga anshaxa ee UEFA ayaa Ronaldo ku ganaaxay kaliya inuu dhiibo lacag mag dhow ah taasoo lagu sheegay 20,000 oo Euro asigoo ka badbaaday in kulamo laga ganaaxo tartanka Horyaalada yurub wuxuuna haatan cayaari karaa kulanka 10ka bisha April ay kooxdiisa la cayaari doonto kooxda Ajax.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*