Home / WARARKA DALKA / Wararkii ugu Dambeeyay Qarax Baabuur oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararkii ugu Dambeeyay Qarax Baabuur oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ah meel mashquul badan oo gaadiidka ay isaga kala gudbaan.

Qaraxan ayaa ka dhashay gaari SURF ah oo la soo hoosgeliyay qaraxa nuuca dhejiska, sida ay Shabakadda Dhacdo.com u sheegeen saraakiil ammaanka qaabilsan.

Gaariga qarxay ayaa waxaa ka kacay Dab xoogan oo sababay inay ku gubtaan laba gaari oo kale, kuwaasi oo wadada marayay.

Qaraxan ayaa waxaa ku geeriyooday wiil Dhalinyaro ah oo waday gaariga, halka dhaawac fudud uu ka soo gaaray Aabihii oo la saarnaa gaariga qeybta hore.

Waxaa kaloo qaraxan uu waxyeelo gaarsiiyay dad shacab ah oo saarnaa Gaari BL-ah, kaasi oo ka akdhawaa gaariga qarxay, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Aabaha dhalay wiilka geeriyooday oo lagu magacaabo Saalax Cumar Culusow ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in qaraxa gaariga lagula soo xiray meel ay ka soo dhaqdeen oo waxyar kahor ka soo dhaqaaqeen.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga sababta loo beegsaday ninkan, maadaama keliya uu yahay Ganacsade oo aanan wax shaqo ah ku laheyn Dowlad, sida ay inoo sheegeen qaar ka tirsan eheladiisa.

Maalinkii Sabtida ayay aheyd markii Mintidiinta Al Shabaab ay qaraxyo iyo weerar toos ah ku qaadeen xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, halkaasi oo ay ku dileen Wasiir kuxigeenkii Wasaaradaasi iyo dad shacab ah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*