Home / Author Archives: Maxamed Cabdulahi Booy

Author Archives: Maxamed Cabdulahi Booy

Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya ku geeriyooday Weerarkii Muqdisho

Al Shabaab ayaa manta qaraxyo ismiidaamin iyo mid toos ah waxa ay ku weerareen xarunta Wasaarada Shaqada iyo Shalaalaha Xukuumada Soomaaliya oo kutaala agagaarka Isgooska Jubba gaar ahaan dhinaca Degmada Shangaani. Warar aan helnay ayaa sheegaya in weerarka lagu qaaday xarunta Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha dadka ku dhintay uu ku jiro Wasiir kuxigeenkii Wasaaradaasi Saqar Ibraahim Cabdalla oo sidoo kale ...

Read More »

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Khadar oo ka qeybgalaya shir caalami ah oo ka socda dalka Belgium

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium uga qayb galay shir looga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha salka ku haya Xag-jirnimada. Shirka oo maanta furmay qorshuhuna yahay in uu soo xirmo berri oo Jimce ah ayaa si gaar ah looga hadlayaa sidii casharo looga baran lahaa hababka guulaystay ee ...

Read More »

RASMI; Xiriirka kubada cagta UEFA oo ganaax garka u galisay Ronaldo. Miyuu seegi doonaa kulanka Ajax??

Xiriirka kubadda cagta qaarada yurub ee markii lasoo gaabiyo loo yaqaano UEFA ayaa ku ganaaxay laacibka kooxda kubadda cagta Juventus aflagaadadii uu u geystay taageerayaasha kooxda Atlatico Madrid. Ronaldo oo sadaxley dhaliyay kulankii ka dhacay magaalada Torino ayaa lagu soo eedeeyay inuu jamaahiirta Atlatico Madrid u geystay aflagaado kadib markii kooxdiisa Juventus usoo baxday wareega 8aad ee tartanka UCL. Hadaba ...

Read More »

Gerard Pique iyo Xavi Hernandez oo qayb ka ah xiddigaha waaweyn ee u ciyaarri doona Catalonia kullanka Venezuela!

Xulka kubadda cagta Catalonia ayaa la filayaa inay la ciyaarraan kullan xulka qaranka dalka Venezuela bishan March 25-keeda, inkastoo kooxo dhowr ah ay u diideen xiddigahooda inay ka mid noqdaan safka Catalonia, sidaas oo ay tahayna waxaa u ciyaarri doona xiddigo waaweyn. Real Valladolid, Huesca iyo Rayo Vallecano ayaa dhammaantood u diiday xiddigahooda inay matalaan xulka Catalonia ee uu hooggaamiyo ...

Read More »

Dowladda New Zealand oo joojineysa hubka ciidamada oo ay isticmaalaan rayidka

Dowladda dalka New Zealand ayaa sheegtay in ay joojin doonto isticmaalka nuucyada hubka ee dadka rayidka ah, ka dib markii dalkaasi ay soo mareen xaaladdii ugu xumeyd ee lagu laayo 50-ruux oo ku jiray Masjid. R/Wasaaraha dalkaasi haweeneyda lagu magacaabo acinda Ardern ayaa sheegtay in la mamnuuci doono dhammaan nuucyada hubka u dhaca darandooriga e eku jira gacanta shirkadaha gaarka ...

Read More »

Barcelona Oo Suuqa Soo Dhigtay Phllippe Coutinho iyo kooxaha Waaweyn oo ay Dhagta u Taagantahay.

Mustaqbalka laacibka kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa qeyb ka ah su’aalaha ugu waaweyn ee horyaalo kooxda Barcelona xagaagan markuu dib u furmo suuqa kala iibsiga cayaartooyda. Wabsetka caalamiga ah ee Goal oo soo xiganaya wargeysyo Spain kasoo baxa ayaa sheegay in Barcelona ay suuqa kala iibsiga soo dhigi doonto laacibkeeda Phillippe Coutinho iyadoona kooxdii rabto ay ku heli karto qiimo ...

Read More »

Kulan looga Hadlayey Siddii loo Xoojin lahaa Howlaha Baarlamaanka Federaalka oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay siddii loo xoojin lahaa howlaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana labada aqal baarlamaanka ay ka hadleen howlaha horyaalla iyo siddii ay gacan u siin lahaayeen hay’adaha ka shaqeeya baarlamaanka iyo wadamada taageera. Guddoonada labada aqal iyo guddiga dib u eegista iyo la socodka iyo hirgelinta dastuurka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dheeraaday shuruucda , muhiimada baarlamaanka uu ...

Read More »

Golaha Wasiirrada Hirshabeelle Oo Ansixiyay Afarta Tubood Iyo Halbeegyada Ku Xusan “Sawirro”

20 Maarso 2019: Iyaddoo laga amba qaadayo qorshaha horumarinta qaranka iyo halbeegyada iyo hawalaha afarta tubood ee qaranka iyo mabaadi’da federaalka ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya sida ku xusan qodobka 50aad Dastuurka KMG ee JFS, Golaha Wasiirrada waxay go’aamiyeen in ay ku shaqeeyo Afar Tubood. Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, iyadoo fulineysa siyaasadda Qaran ee daadajinta awoodaha, adeegyada, dowlad wanaagga iyo isla-xisaabtanka ee ...

Read More »

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo baaq degdeg ka soo saartay dagaallo ka dhacay Sh/Dhexe iyo G/galaduud

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Arrimaha Federaalka dowladda Soomaaliya ayaa baaq ka soo saartay dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud. War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in kaalin weyn ay ka qaadaneyso dib u heshiisiinta oo ka mid ah howlaha ay wasaaraddu u xil saaran tahay. Mas’uuliyiinta Maamulada Hirshabeelle iyo ...

Read More »

Wax ka ogaaw 10-ka cayaaryahan ee u istaageen taageerayaal aan kooxdooda ahayn bandhig heer sare ay sameeyeen awgeed

Lionel Messi ayaa todobaadkan sedexleey ka dhaliyay kooxda Real Betis kulan ka tirsanaa La Liga oo ay Barcelona 4-1 guusha ku qaadatay sidoo kalena Leo waxaa u istaageen taageerayaasha kooxda Betis ee garoonka Benito Villamarin usoo daawasho tageen. Haddaba shabakada Marca waxaan kasoo xiganay 10-cayaaryahan oo ay dhacday inay u istaageen taageerayaal aan kooxdooda ahayn bandhig heer sare ay sameeyeen awgeed: Maradona: Real ...

Read More »