Home / WARARKA DALKA (page 10)

WARARKA DALKA

Madaxweyne Farmaajo oo duubabka dhaqanka kala hadlay hawlaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed+ Sawirro

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  oo kulamo wadatashi ah kula qaatay Magaalada Baydhabo Odayaasha iyo duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa ku ammaanay kaalinta ay ka gaysanayaan taabbo gelinta hawlaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada degaannadaasi. Madaxweynaha,ayaa dul istaagay sida shacabka ay ugu dhego nugul yihiin duubabkooda dhaqanka, taasoo ay tahay in lagu xoojiyo dowladnimada iyo wadajirka ...

Read More »

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Maanta kormeeray Lix Wasaaradood

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta kormeeray Wasaaradaha Warfaafinta, kalluumaysiga, Haweenka, Ganansiga, Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha. Ra’iisul wasaaraha oo kormeerka sameeyay Subaxnimadii hore ee Maanta ayaa tegay waaxyada ay ka koobanyihiin wasaaradahaasi, isaga oo shaqaalaha iyo agaasimayaasha ka xog-waraystay hannaanka shaqooyinku ay u socdaan. Kormeerka oo qayb ka ah hawlaha kor-joogteynta ah ee lagula ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb-galay xaflad lagu soo xirayay Kalfadhig 4-aad ee Golaha Shacabka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa ka qayb galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xirayay Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka. Madaxweynaha ayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay shaqooyinkii ay qabteen intii uu socday Kalfadhigii 4-aad, isaga oo ka dhawaajiyay ansixinta sharciyo muhiim u ah ummadda Soomaaliyeed. Madaxweyne ...

Read More »

Golaha Shacabka Oo Meel Mariyay Xeerka Maamulka Bangiga Dhexe

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka bedel lagu sameeyay. 158-Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 17-xildhibaana ay diideen,waxaana sidaasi ansax ku noqday xeerka wax ka bedelka Maamulka Bangiga Dhexe. Sidoo kale,Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankooda maanta ku ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka ...

Read More »

Golaha shacabka oo ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka. 163-xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaa diiday 13 xildhibaan, wax ka aamusay malahan. Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa sheegay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka.

Read More »

R/wasaare Khayre Oo Soo Geba Gebeeyey la Xisaabtanka Golaha Wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa soo gebegebeyay isla-xisaabtanka golaha wasiirrada oo si joogta ah u socday muda shan maalin ah Ra’iisul wasaaraha ayaa wasiirrada kula xisaabtamayay shaqooyinkii ay ka qabteen hal-beegyada qorshohoodu ahaa in lagu guulayso sannadkii tegay ee 2018, waxaa kale oo wasiirradu ay saxiixeen halbeegyooda ay doonayaan in ay fuliyaan sannadka 2019. Wasiiru ...

Read More »

Wasiirka Maaliyadda XFS oo si rasmi ah u daah-furay isticmaalka Miisaaniyadda Dalka ee 2019

Isticmaalka Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2019 ayaa maanta si rasmi ah u furmay ka dib munaasabada ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho,taasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kaladuwan. Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo  maanta si rasmi ah u Daah-furay isticmaalka Miisaaniyadda Dalka ee Sanadkan 2019,madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha ...

Read More »

Faah faahino Dheeraad ah Oo laga Helayo Qarax Ka Dhacay Magaalada Paris…

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax ka dhashay qulqulka gaas oo ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska,kaas oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la ogyahay labo ruux ayaa ku geeriyootay Qaraxa ka dhacay meel ku dhow foorno gudaha magaalada Paris,barqanimadii maanta,waxaana ku dhaawacmay toboneeyo kale,sida ay sheegeen saraakiisha Dowladda Faransiiska. Afhayeen u hadlay ...

Read More »

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo safarkiisii labaad doorashadiisa kaddib ku tagay Baraawe

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose, halkaasoo ahCaasimada rasmiga ah ee Koofur Galbeed. Wafdiga Madaxweynaha oo diyaarad ku tagay Baraawe ayaa waxaa wehlinayay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan ka tirsan Koofur Galbeed, iyadoo soo dhoweyn ay u sameeyeen maamulka Gobolka Sh/Hoose iyo kan degmada. Lama oga ujeedka socdaalka Madaxweynaha ...

Read More »

Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka Dalka oo u dhoofay Dalka Jordan

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta u dhoofay dalka Jordan oo uu uga qayb galayo shir ay leeyihiin madaxda wadamada Carabta oo looga hadlayo Is-bedelka Cimillada adduunka iyo deegaanka. Shirkaan oo diiradda lagu saarayo hanaanka wadamada Carabtu isaga iskaashanayaan hagaajinta deegaanka iyo arrimaha la xariira is-bedelka cimilada aduunyada ayaa waxaa sidoo kale ...

Read More »