Home / WARARKA DALKA (page 11)

WARARKA DALKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Difaacyada Ciidanka ee Afgooye (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Booliska, Abaanduulaha XDS iyo Saraakiil kale ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Difaacyada Ciidanka ee ku yaalla degmadda Afgooye ee Gobolka Sh.hoose. Ujjeedka Kormeerkaan ayaa ahaa u kuur gelida Xaaladda amni ee degmadda Afgooye iyo oggaanshaha amniga wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo ay ka ...

Read More »

Saciid Cabdulaahi Dani oo loo Doortay Madaxweynaha cusub ee Puntland…

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdi Xakiim Maxamed Axmed ayaa ku dhawaaqay in Saciid Cabdullaahi Deni uu ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Puntland kadib markii Wareega sedexaad uu helay 35-Cod halka Musharax Asad Cusmaan Cabdullaahi oo la tartamayay uu helay 31-cod. 21-Musharax ayaa ku tartameysay Doorashada Madaxweynaha, Iyadoo wareegi koowaad ay kusoo baxeen Sedex Musharax oo kala ah Musharax Saciid Cabdullaahi Deni ...

Read More »

Guddiga Horumarinta adeega Bulshada ee Aqalka Sare oo la kulmay Wasiirka Waxbarashada XFS (Sawirro)

Guddiga horumarinta adeega Bulshada,arrimaha bini-aadanimada,warfaafinta iyo dhaqanka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre. Wasiir Goodax Barre ayaa warbixin ku aadan horumarada iyo wixii u qabsoomay Wasaaradda Waxbarashada mudada uu joogay siiyay Guddiga horumarinta adeega Bulshada,arrimaha bini-aadanimada,warfaafinta iyo dhaqanka Golaha Aqalka sare,waxaana Wasiirka su’aalo laga weydiiyay arrimo ...

Read More »

Abaanduullaha Xoogga Dalka Oo kormeeray jiidaha Dagaalka Ee Gobolka Sh/hoose Sawirro

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeeray difaacyada ciidanka ee duleedka degmada Afgooye gobolka Sh/hoose. Waxaa kormeerka ku wehliyey taliyaha Guutada 7aad Col. Xassan Maxamed Abuukar iyo saraakiil kale, waxayna u kuur-geleen  xaaladda Ciidanka xoogga dalka ee ku jira difaacyada hore. Jen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa warbixin ka dhageystay saraakiishii ku sugnayd goobihii uu booqday, isagoo ciidanka ...

Read More »

Wasiir Ku xigeen Waxbarashada Oo Shahaado ku Gudoonsiiyey arday ka Qalin-jebisay Acedemiyada Cilmiga Badaha…

arday oo baratay culuumta badda ayaa maanta axad ah ka qalin jebisay Academiyada Culuumta badda ee Khalif Macow ee magaalada Muqdisho iyada oo ay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda ka qayb gashay munasabadaasi. Munasabbada Qalin jebinta waxaa ka qayb-galay Wasiirka ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare dawladda Soomaaliya, Mudane Faysal Cumar Guleed, Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Benaadir, Muuse Macalin Maxamed, ...

Read More »

Golaha ammaanka oo war ka soo saaray xaaladda Somaliya, kadib cayrintii Haysom

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay xoogga saaraan Xasilloonida ammaan iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Kulan ay Golaha ammaanka Sabtigii shalay ka yeesheen arrimaha Soomaaliya ayaa looga hadlay go’aanka Dowladda Federaalka ah ku cayrisay Nicholas Haysom iyo diidmada codsigii Qaramada Midoobey Xoghayaheeda. Kulankan oo ay albaabada u xirnaayeen lagana soo saaray ...

Read More »

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Wasaaradda Maaliyadda Iyo Dekadda Muqdisho…

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray wasaaradda maaliyadda iyo Dekadda Muqdisho si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha ayaa guddoomiyay kulan lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda oo looga hadlayay horumairnta hannaanka maaliyadda dalka,kaas oo ay ka qayb galeen wasiirka, wasiir ku-xigeenka, wasiiru dawlaha, agaasimaha guud ...

Read More »

Guddiga Doorashada Puntland Oo Soo Saaray Shuruudaha Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa…

Waxaa maanta lasoo saaray shuruudaha laga doonayo musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland. Guddiga doorashada Puntland oo maanta la magacaabay ayaa sheegay in Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland laga doonayo in ay buuxiyaan shuruudaha isdiiwaan gelinta oo ay qeyb ka yihiin soo gudbinta araajida musharaxnimo iyo bixinta lacagaha isdiiwaan gelinta. Hadaba Halkaan ka Akhriso magacyada ...

Read More »

Norway Oo 54.3 Milyan Oo Doolar Ku Bixinaysa ib u Dhiska Soomaaliya…

Xukuumadda Norway oo shaaca ka qaaday in lacag dhan 54.3 milyan oo dollar ay ku bixinayso dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna sheegtay in dhaqaalahan ay Soomaaliya u soo marinayso Shirkado kala duwan oo hoos taga Bangiga Aduunka. Waxayna intaa raacisay in dhaqaalahan ay ugu tala gashay inay Soomaaliya uga hortagto  xad-gudubyada iyo dhibaatooyinka kale ee xagga ...

Read More »

Maamulka Dekedda Muqdisho Oo Sheegay in ay Howlbilaabayso Shirkadda MAERSK LINE…

War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa lagu faah faahiyay adeegyo ay bilaabayso shirkadda MAERSK LINE oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqeysa daabulaada Kunteenaradda. Qoraalka ka soo baxay maamulka Dekedda Muqdisho oo laguna wargelinayaya ganacsatada Soomaaliyeedd ayaa ayaa u qornaa sida tan. Waxaan la socodsiinaynaa Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed in Dekedda Muqdisho ay ka howl ...

Read More »