Home / WARARKA DALKA (page 12)

WARARKA DALKA

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Oo La Kulmay Danjirayaasha Wadamada IGAD ee Soomaaliya…

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa shalay ku qaabilay Muqdisho Danjirayaasha wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD ee ka howlaga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Intii kulanku socday, Wasiir Cawad waxa uu kaga hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee Soomaaliya dhinacyada siyaasadda, ammaanka, dhaqaallaha iyo bulshada. Waxa uu sheegay in Xukuumadda Federaalka ay xoojinayso dadaalkeeda lagu xaqiijinayo ...

Read More »

Ilhaan Cumar Oo Loo Dhaariyay Aqalka Xubin-Nimada Kongareeska Maraykanka..

Ilhaan Cumar oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay in ay ka mid noqoto Kongareeska Dalka Maraykanka, markii ay November 2018-kii ku guuleysatay Korsiga Degmada 5-aad ee Minnesota. Gabadhan ayaa ah Haweeneydii ugu horreysay ee Xijaaban oo ka mid noqota Aqalka Congresska Dalka Maraykanka, markii ay taageeya badan ka heshay Dadka Muslimka ah oo ...

Read More »

AKHRISO: Aqalka Sare Oo Ku Dhawaaqay inuu joojiyay Wada shaqeyntii Golaha Shacabka…

Qoraal ay soo saareen guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in ay joojiyeen wadashaqeynta ay la lahaayeen Golaha Shacabka iyagoo ugu baaqay Madaxweynaha  inuu wax ka qabto cabashooyin ay u gudbiyeen. Qoraalka oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in Golaha Shacabka ay muddo dheer ka sugayeen in la xaliyo arrimo ka dhaxeeya oo ...

Read More »

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud oo si Rasmi Maanta Xilkaasi ula wareegay (Sawirro)

Xafladaan oo Xilalka ay kula kale Wareegayeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Maxamed Ibraahim (Geeseey) iyo Wasiirka Cusub ee Wasaaraddaasi Mudane Cabdi Aadan Hoosoow ayaa Maanta lagu Qabtay Xarunta Wasaradda ee Magaaladda Muqdisho. Xafladaan ayaa Waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiiru ...

Read More »

Taliyaha cusub ee qaybta 60-aad Oo Gaaray Magaalada Baydhabo (Sawirro)

Waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu soo dhoweeyay Magaalada Baydhabo wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha cusub, qaybta Lixdanaad ee xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/ guuto;  C/raxmaan Maxamed Cusmaan (Tama cadde), kaas oo beddeli doona taliyihii hore ee qaybta. Taliyaha oo ay safarkiisa ku wehliyeen, Abaan duulaha cusub ee qaybta iyo saraakiil kale, ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Bayshabo ku soo dhoweeyay, taliyahii ...

Read More »

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka G/Banaadir oo Maxkamadaha Degmooyinka Gobalka ku wareejiyay Diiwaano Casri ah {Sawirro}

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi ayaa kuwareejiyay dhamaan Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir Diiwaano Casri ah oo ay kushaqeyn doonaan Sanadka Cusub ee 2019. Xaflad kooban oo ka dhacday Xafiiska Guddoomiyaha oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macalim Maxamed ayaa Maxkamad kasta lagu wareejiyay ilaa iyo Sagaal Diiwaan. Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Garyaqaan Abshir ...

Read More »

Al-Shabaab Oo Xukun adag Ku Fulisay Nin La Sheegay inuu Kufsi Geystay

Maxkamada Al-shabaab ee gobolada Jubbooyinka ayaa xukun ku fulisay Nin  lagu eedeeyey inuu kufsi u geystay qof dumar ah. Fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa xukun karbaash ah lagula fuliyay wiil dhalinyara ah oo la sheegay inuu baadiyaha degmadaas ku kufsaday haweenay carruur wadatay. Ninka oo Al-shabaab aysan sheegin magaciisa ayaa lagu dhuftay 100 jeedal oo ...

Read More »

Golaha Wakiilada Puntland Oo la Dhaariyay Guddoon KMG ahna Doortay…

Waxaa maanta xarunta Puntland ee Garoowe lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland,kadib markii kuwaasi oo shalay gelinkii dambe lagu dhawaaqay liiska xildhibaanada oo ka koobnaa ilaa 66 mudane Munaasabadda dhaarinta waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta Maxkamadda Sare ee maamul goboleedka,taasi oo ka dhacday xarunta Baarlamaanka  Puntland,xildhibaanada ayaa laga soo xulay deegaanada Puntland. Dhanka kale xildhibaanada ayaa doortay guddoomiye ...

Read More »

Shacabka Degmada Xudur Oo adeegyo Caafimaad Oo Muhiim Ka Hela Cisbitaalka Degmadaas Sawirro

Munaasabadaan oo lagu soo bandhigay waxqabadka Cisbitaalka Degmada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool oo dib u howlgelintiisa ay ka soo wareegatay mudo hal sano ah waxa kasoo qeybgaley masuuliyiinta maamulka degmada xuddur ee gobolka Bakool, bahda caafimaadka, aqoonyahano, Isuduwaha wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Bakool iyo qaar ka mid ah bulshadii adeegyada caafimaadka looga fidinayay tan iyo bilowgii sanada 2018. Ugu ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga lagu aasaasayo Hay’adda Naafada Qaranka oo si gaar ah ugu adeegi doonta dadka naafada ah ee Soomaaliyeed. Munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynuhu ku saxiixay Sharcigan, wuxuuna Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare uga mahadceliyey ansixintiisa, isagoona xusay inay jiraan 29 Hindise-sharciyeed oo horyaalla Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ...

Read More »