Home / WARARKA DALKA (page 13)

WARARKA DALKA

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya (Sawirro)

Kulanka oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka Warbaahineed ee labada Dal, waxaana madaxda Wasaaradda Warfaafintu ay sheegeen in Warbaahinta Qaranka ay door muuqda ku leedahay baahinta waxqabadka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, iyadoo Safiirka lagu soo wareejiyey Qeybta TV-ga Qaranka oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyey. Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya  Mr Mehmet Yilmaz ...

Read More »

Gudoomiye Cusub Oo loo Magacaabay Mid ka Mid ah Degmooyinka G/Banaadir…

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa guddoomiye Cusub u magacaabay degmada Yaaqshiid. Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Yariisow ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid waxaa loogu Magacaabay Cabdiwali Cabdullaahi Maxamed. Guddoomiyaha cusub ee degmada Yaaqshiid ee Cabdiwali Cabdullaahi Maxamed ayaa horay u soo noqday Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab. Magacaabidan ayaa timid ka dib markii maamulka ...

Read More »

Magaalada Baydhabo Oo lagu Qabtay Rag iyo Gaari Lagu Diyaarinayay Waxyaalaha Qarxa

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee gobolka  Bay ayaa sheegaya  in ciidamada ammaanka magaalada Baydhabo ay qabteen saddex ruux iyo gaari lagu diyaarinayay waxyaalaha qarxa. Ciidamada amniga ayaa saaka howlgal ay ka sameeyeen mid kamid ah xaafadaha magaalada Baydhabo waxa ay ka heleen guri  uu ku jirey gaari noociisu ahaa Homy kaasoo la doonayay in lagu raro waxyaalaha qarxa. Sarkaal ...

Read More »

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta Cod u qaadayo Miisaaniyadda Dowladda ee 2019-ka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa maanta oo ah Axad Taariikhduna tahay 30/12/2018, kulan ku leh xarunta Golaha Shacabka. Ajendaha kulan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah u codeynta Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka. Sidoo kale ajendayaasha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa kamid ah u codeynta Xeerhoosaadka Golaha iyo Akhrinta 3aad Hindi Sharciyeedka Naafada Ciidamada. Xildhibaanada Golaha shacabka ...

Read More »

Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta ka dooday Miisaaniyadda sanadka 2019-ka+Sawirro

Kulanka guud ee mudanayaasha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa maanta looga hadlay hal ajende oo ahaa Warbixinta iyo ka doodista Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka,waxaana ugu horeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo kulanka shir gudoominayay uu sheegay in kalfadhigan geba-gebada maraya uu wax badan qabtay islamarkaana uu ansixiyay afar hindise sharciyeed,wuxuuna Xildhibaanada ka ...

Read More »

Maxkamada ciidamada oo Xukun dil ah ku Fulisay Xubin ka Tirsanaa Amniyaatka Al-shabaab

Magaalada Baydhabo waxaa xukun dil ah lagu fuliyay xubin ka tirsanaa Amniyaatka kooxda Al-Shabaab oo horay dil toogasho ah loogu xukumay. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka Fagaaraha Maanyo fuulka Baydhabo ku toogatay nin lagu eedeeyay inuu Masjid Baydhabo ku yaallo ku dilay Shiikh Madeer Madgaab Caliyow taariikhdu markii ay aheyd 15-6-2017-kii. Gacan ku dhiigle Maxamed Aadan Cali Barrow ayaa ...

Read More »

Bil kadib Kulanka Golaha Shacabka oo furmaya & Miisaaniyadda 2019 oo Xildhibaanada la horgaynaayo

Muddo bil ah oo uu taagnaa Khilaafkii ka dhashay Warbixintii ay soo saareen Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka 20-Kii November xilligaasi oo Warbixin ay soo saareen Guddiga ku eedeeyeen Xukuumadda & Gobolka Banaadir musuq maasuq, ayaa maanta xubnaha Golaha Shacabka waxaa la filayaa inay ka doodaan miisaaniyadda sanadka 2019, kadib kulanka Golaha oo lagu wado inay yeeshaan. Kulan maanta Xildhibaanada Golaha ...

Read More »

Dowlada Soomaaliya Oo Dib u Dhis ku Sameeneysa Garoomada Diyaaradaha Dalka…

Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Xukumadda Soomaaliya ee Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa shaaciyay in dowlada sanadka cusub bilaabeyso in dib u dhis lagu sameeyo qaar kamid ah garoomada diyaaradaha dalka. Waxa uu sheegay Wasiirka in sanadka cusub ee dhawaan curanaya in dib u dhis lagu bilaabi doono qaar kamid ah garoomada dalka kuyaala, waxa uuna xusay ...

Read More »

Wasaaradda Gaadiidka XFS oo Qorsheyneysa dib u dhiska Garoomada Diyaaradaha Dalka

Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Xukumadda Soomaaliya ee Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar oo marti ku ahaa barnaamijka kullanka todabaadka ee ka baxa warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay waxyaabahii u qabsoomay Wasaaradda sanadkaan sii dhamaanaya. Wasiir Oomaar ayaa xusay in sanadka cusub ay bilaaban doonaan qorshaha dib u dhiska garoomada Diyaaradaha Dalka qaarkood, iyadoo qorshaha koowaad uu noqon ...

Read More »

Wasiirka Beyle oo la kulmay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka (Sawirro)

Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka ayaa Maanta la kulmay Wasiirka wasaaradda maaliyadda mudane, Dr; C/raxmaan Ducaale Bayle, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda mudane, Maxamuud Xayir iyo mas’uuliyiin kale. Guddiga iyo Madaxda Wasaaradda ayaa ka wada hadlay dardar gelinta miisaaniyadda Dowladda 2019 iyo ka faa’ iideysiga waqtiga kooban ee haray. Guddoomiyaha guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka mudane ...

Read More »