Home / WARARKA DALKA (page 20)

WARARKA DALKA

Jubbaland oo sheegtay in lawada xalin khilaafkii ka dhaxeeyay Dawlada Federaalka iyo Maamul goboleedyada.

Xirsi Jaamac Gaani Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan go’aanka Aqalka Sare ay soo saareen, sidoo kale waxa uu sheegay inay taasi ka dhigneyn in la dhammeeyay khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. “…Qeyb yar oo ka mid ah waxyaabaha ay isku khilaafsanyihiin Maamul goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda dhexe ayaa la xaliyey waana ...

Read More »

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Loo Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Mahad Cawad (Akhriso)

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad u gudbiyay Gudoomiyaha golaha Shacabka. Mahad Salaad ayaa dacwadiisa ku sheegay in Gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Shacabka uu si ula kac ah u baal maray kulanka Xildhibaanada golaha Shacabka ku yeesheen 24-kii bishan xarunta golaha ...

Read More »

Aqalka Sare oo go’aan ka soo saaray Khilaafka dowladda & Maamul Goboledyada…

Guddigii aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah u xil saaray khilaafka dowladda federaalka ah iyo maamullada xubnaha ka ah ayaa soo saaray qoraal dheer oo inta badan ay xoogga ku saareen kaalinta hey’adaha dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada mid weliba uu leeyahay iyo sida ay muhiimka u tahay in la isku xushmeeyo adeegga cid weliba qaranka u heyso. Guddiga ...

Read More »

Wasiirka Amniga Koofur Galbeed oo bilaabay fulinta amarkii Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka…

Wasiirka Amniga Koofur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa soo saaray amar ku saabsan doorashada dhowaan lagu wado inay ka dhacdo magaalada Baydhabo, isagoo faray laamaha amniga dardar gelinta iyo xaqiijinta amniga. Wasiirka oo fulinaya amarkii ka soo baxay Wasaaradda Amniga dowladda Federaalka ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen sugida amniga magaalada Baydhabo, inta lagu guda jiro doorashada. Waxaa uu ugu ...

Read More »

Madaxweynaha JFS oo kulan la Qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Dalka kenya {Sawirro}

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay  kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa uga warbixiyay xaaladaha uu dalku ku suganyahay xiligan , horumarka ay ku tallaabsatay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale Jaaliyadda uga warbixiyay isbadallada ka jira Geeska Afrika iyo sidii shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan uga qeyb qaadan ...

Read More »

Wararkii ugu dambeeyay weerarkii lagu qaaday Gaalkacyo iyo xarunta wadaad caan ahaa

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah oo saaka waaberigii hore lagu qaaday xarun uu Koofurta magaalada Gaalkacyo ka degenaa Wadaad muran badan ka dhex dhaliyay bulshada, kaasoo lagu magacaabi jiray Sheekh C/weli Cali Cilmi Yare. Qaraxyo ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari ayaa lagu weeraray xarunta wadaadka, iyadoo qaraxa kaddib ay ...

Read More »

Shirka Dastuurka ee arrimaha Xuquuqda Aadanaha oo Muqdisho ka furmay+Sawirro

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir seddex maalin socon doona oo ay si wadajir ah u wada qabanayaan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, shirka oo ku saabsan Xuquuqda Aadanaha gaar ahaan Cutubka Labaad ee Dastuurka KMG ayaa waxaa ka soo qaybgalay Ururada Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan matalaadda siyaasadeed laheyn. Masuuliyiintii furitaanka shirka ka hadlay ...

Read More »

Maamulka Gobolka Banaadir oo iska fogeeyay eedeyntii Guddiga Maaliyadda

War saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu beeniyay eedeyntii ku jirtay warbixinta Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka u jeediyay ee ku xusnaa in illaa 16 Milyan oo dollar la musuq maasuqay. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa warbixintaas ku tilmaamay mid been abuur ah ah oo ku tala gal siyaasadeed, taasoo aan ka turjumeyn xaqiiqada dhabta ah. Halkan hoose ka ...

Read More »

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga Oo Ka Wada Hadlay Xiriirka iyo iskaashiga labada Dal…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalad Istanbuul ayaa ka wada hadlay sare u qaadista xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab. Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, ...

Read More »

Xubno ka mid ah Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka oo kahor yimid Warbixintii lasoo saaray (Akhriso)

Xildhibaano katirsan Guddiga Golaha shacabka u qaabilsan Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Hey’addaha dowladda ayaa kahor yimid warbixintii dhawaan ay soo saareen xubno kamid ah guddiga oo lagu sheegay in ay jirto wax isdabamarin. Toban xubnood oo kamid ah guddiga ayaa qoraal tabasho ah ay soo saareen waxa ay u gudbiyeen Gudoonka golaha Shacabka, waxa ayna xubnahan sheegeen in hab raaca ...

Read More »