Home / WARARKA DALKA (page 30)

WARARKA DALKA

Haysom “khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada wuxuu caqabad ku yahay horumarka”

Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada uu caqabad ku yahay Horumarka Soomaaliya. Nicholas Haysom oo ku guda jira socdaal uu ku marayo xarumaha maamul goboleedyada, si loo xaliyo khilaafka taagan ayaa tilmaamay inay wadaan dadaalo lagu dhisayo dowladnimada Soomaaliya, si mar kale cagaheeda dib ugu ...

Read More »

Xubno katirsan Labada Gole ee Baarlamaanka oo bogaadiyey dhalinyaro Garbahaareey ka hirgeliyey Maktabad

Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey dhalinyarada hirgalisay Maktabadda degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, kadib munaasabad ay xalay ku qabteen magaalada Muqdisho. Senetor Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (fartaag) oo ka mid ah mudanayaasha laga soo doorto Jubbaland ayaa tilmaamay in Maktabadaasi ay sare u qaaday heerka aqooneed ee degmada, waxaana munaasabadda shahaado sharf lagu ...

Read More »

Guddiga Joogtada Aqalka Sare oo maanta shaacinaya xilliga uu hor imaanayo Ra’iisul Wasaaraha

Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku mudeynayaan xilliga uu hor-imaanayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Aqalka Sare oo bilihii u dambeeyay howsheeda gaabis aheyd, ayaa haatan dardar geliyay, waxaana maalmihii la soo dhaafay ay lahaayeen kulamo is daba joog ahaa oo looga hadlayay hindiso sharciyeedyo hor-yaalay arrimaha xal ...

Read More »

Masar iyo Falastiin Oo Ka Wada Hadlaya Xaaladda Gobolka…

Madaxweynaha Dalka Masar, Cabdul-Fattah al-Sisi iyo dhiggiisa Falastiin, Mahamoud Abbas ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan Berrito Magaalada Sharm El Sheikh ee Dalka Masar, iyagoo ka wada hadli doona xaaladda Gobolka Bariga dhexe iyo horumarradii laga gaaray xaaladda Falastiin. Labadan Nin ayaa qorsheynaya in ay ku kulmaan munaasabadda xuska Maalinta Dhalinyarada Aduunka oo ka dhici doonta Magaala Xeebeedka loo tamashalaha ...

Read More »

(Akhriso) Shuruudo lagu Xiray Musharaxiinta Utaagan Xilka Dowlad Gobaledka Koonfur Galbeed

Guddiga doorashooyinka maamulka Koofur Galbeed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay ilaa 9 qodob oo ah shuruudaha laga doonayo qofka noqonaya murashaxa madaxweyne ee maamulka. Shuruudaha ayaa kala ah. 1- Inuu yahay muwaadin Soomaali ah, una dhashay deegaannada Koofur Galbeed, oo aan qabiun xaas ajnabi ah. 2- Inuu muslim yahay, kuna dhaqmo diinta islaamka. 3- Da’diisu in aysan ka ...

Read More »

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo sheegay inaysan Dowladda dhexe fara gelin ku hayn doorashada Koofur Galbeed

Qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin wax faro galin ah oo Dowladda dhexe ay ku hayso doorashada Madaxweynaha ee maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Mudanaayaashan Golaha Shacabka ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socoto Ololaha doorashadda Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo dhawaan lafilayo in ...

Read More »

Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland Maxaa looga Hadlay AKHRISO:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Xukuumada Jubbaland. Ugu horayn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka warbixiyay xaalada Siyaasada wadanka waxaa uu Madaxweynahu sheegay in shirkii Dowlad Goboleedyada dalka ee dhawaan ka qabsoomay Garowe uu ahaa mid isbadal lagu sameeyay madasha iyo sidii loo qaban lahaa shirweynaha Dhuusomareeb. ...

Read More »

Faah faahin: Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Sawiro

Waxaa goordhaw qarax loo maleenayo in uu yahay mid gaari lagu soo xiray uu ka dhacay laamiga Maka Al Mukarama gaar ahaan agagaarka Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Goobjooge ayaa noo sheegay in qaraxa uu ka dhacay laamiga dhinaciisa gaar ahaan xarunta Daacad Car Care , waxaana qaraxa la sheegay in uu ahaa mid lagu soo xiray gaari nuuca loo ...

Read More »

Agaasimaha Guud Hey’adda Socdaalka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Kenya

Agaasimaha Guud Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa magaalada Nairobi kula kulmay dhiggiisa Kenya Alex Muteshi. Agaasime Koofi oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Kenya ayaa waxay kulankooda uga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa labada Hey’adood, is dhaafsiga xogaha, khibradaha, ka hortagga falalka tahriibka iyo sidii is kaashi joogto u ...

Read More »

laba Burcad ah oo lagu xukumay 8 sano oo xabsi ciidan ah

Aweys Cali  Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur  ayaa si wada jir ah loogu soo qabtay iyagoo dhac u geysanayo muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa degmada Cabdi-caziiz ee gobalka Banaadir. Labada eedeysane ayaa dhac u geystay Wiil dhallinyara ah oo kamid ah kuwa ku shaqeysto xirfadda sawirrada ee nolal maalmeedka ka raadiyo meelaha dadka isugu yimaadaan, waxa ay sidoo kale dhac ...

Read More »