Home / WARARKA DALKA (page 4)

WARARKA DALKA

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Ka Qayb Galay Munaasabadda Daah-furka Horumarinta Dhaqaalaha Gobalada Dalka

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Dawlad gobaleedka Jubaland uga qayb galay munaasabadda Daah-furka Mashruuca Horumarinta Dhaqaalaha Goballada dalka ee (ILED) Munaasabadda lagu daad-furayay mashruucaan oo muhiim u ah umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxwaynaha Jubaland, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta DFS iyo Wasaaradaha Qorsheynta Dowladd gobaleedyada, wakiilka midawgaYurub ee Soomaaliya. “Muhiim ...

Read More »

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo saxiixay buugga tacsida ee dadkii ku le’day diyaaradda burburtay ee Itoobiya

Maarso 12 , 2019 – Iyadoo xushmad loo muujinayo dadkii ku geeriyooday diyaaradda burburtay ee Itoobiya duulimaad nambar  ET 302,  Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, waxa uu saxiixay maanta oo Talaado ah buugga tacsida ee laga furay Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho. Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr waxa uu tacsi u diray Xukuumadda ...

Read More »

Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare oo Kulan ku yeeshay Magaaladda Muqdisho (Sawirro)

Kulan ay yeesheen guddiga joogta golaha aqalka sare BFS oo uu Shir guddoominayey guddoomiyaha golaha Aqalka sare Baarlamaanka ayaa ajandahu waxa uu ahaa Katashiga Furitaanka kalfadhiga 5aad ee aqalka Sare, ka doodista iyo Ansixinta qorshe howleedka kalfadhiga 5aad ee golaha . Kulanka oo saacado qaatay ayaa markii uu soo gabogaboobay waxaa warbaahinta Qaranka la hadlay Hab-dhowraha golaha aqalka sare BFS ...

Read More »

Taliyaha ciidamada Booliska AMISOM oo ku geeriyootay shilka diyaaradeed ee Ethiopian Airlines

Kusimaha Taliyiha ciidamada Booliska AMISOM Cristine Alola ayaa ka mid noqotay dadkii ku geeriyooday shilkii diyaaradeed ee Ethiopian Airlines. Alola oo u dhalatay dalka Uganda ayaa ku sii jeeday magaalada Nairobi waxaana xaqiijiyay geerideeda ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ee Hawlgalka AMISOM, Simom Mulongo. Diyaarada Ethiopian Airlines ee shalay ku burburtay meel ku dhow Tuulladda Tulu Fara ee duleedka ...

Read More »

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo Booqday Goobta Shilka Diyaaradeed uu ka Dhacay

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa galabta booqday goobta uu ka dhacay shilka diyaaradeed ee nawaaxiga Degmadda Bishoftu oo 47-Km dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Addis Abeba. Wuxuuna murugada la qeybsaday Ehalada dadkooda ku waayay Bur burka diyaaradda Ethiopian Airlines,wuxuuna kula dardaarmay Samir iyo dulqaad iney muujiyaan. Sidoo kale,Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa amar ku bixiyay in baaritaan deg deg ah ...

Read More »

Faah-faahin ka soo baxaysa Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlins oo burburtay

Diyaarad rakaab ah oo ay leeadahay shirkadda Ethiopian Airlins oo nooceedu ahaa Boeing 737 kana duushay magaalada Addis Ababa ayaa burburtay daqiiqado kadib markii ay hawada gashay. Rakaab gaaray 149 ruux iyo siddeed shaqaalaha diyaaradda ah ayaa saarnaa waxayna ku sii jeeday magaalada Nairobi waxaana la rumeysan yahay inay dhammaantood geeriyoodeen , waxaana wali la ogeen in ay jiraan dad ...

Read More »

Madaxweynaha Koofurgalbeed oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose

Madaxweynaha maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najax. Wareegto ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koofurgalbed ayaa waxaa xilkii loogaga qaaday guddoomiyihii hore ee gobolkaas Maxamed Ibrahim Barre, iyadoo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Shabeellaha Hoose loogu magacaabay Ibrahim Adan Najax. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Sh/hoose Ibrahim Adan Cali Najax ayaa ...

Read More »

Qaban-qaabada Soo Dhoweynta Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kismaayo laga dareemayo(Sawirro)

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dawlad gobaleedka Jubbaland ayaa waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambaysay ee lagu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo dhawaan ku wajahan. Boorar waawayn oo lagu daabacay sawirrada Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo madaxwaynaha dawlad gobaleedka Jubaland,  lagu muujinayo soo dhoweynta heerkeedu sarreeyo ee Ra’iisul Wasaare ...

Read More »

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeysay Geeridii ku timid Wasiirkii Dastuurka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaalya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Wasiirkii dastuurka marxuum C/raxman Xoosh Jibriil oo Maanta ku geeriyaaday Isbitaal ku yaala Magaalada Dubai ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Wasiirkii Dastuurka Dowlada Federalka. Guddoonada labada Gole ee BFS, Ra’iisul ...

Read More »

Boliiska Kenya oo Gacanta ku dhigay xarun lagu tababari jiray Al-Shabaab

Boliiska Degmada, Ngombeni, ayaa Jimcaha Maanta ah weerar ku qaaday Guri ku yaalla degaanka , Kwale, halkaas oo ay tababar ku qaadan jireen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Guriga ay baaritaanka ku sameeyeen Boliiska Kenya ayaa waxaa laga helay , waxyaabaha qarxa, Tuutaha Ciidamada, Mindiyo, Aaladaha lagu Feertamo, Sanaaddiiq ay ku jiraan Kitaabbo, qoraallo Diini ah iyo Calamada Madoow ee ...

Read More »