Home / WARARKA DALKA (page 40)

WARARKA DALKA

Labo cirbixiyeen oo ka badbaaday dayaxgacmeed cillad gashay

Labo cirbixiyeen oo u kala dhashay dalalka Ruushka iyo Maraykanka ayaa si dirqi ah ugaga soo badbaaday kadib markii dayaxgacmeed ay saarnaayeen hawada sare cillad ku qabsatay.Wararka ayaa sheegaya in cirbixiyeenadan ay ku soo badbaadeen kadib markii qalab yar oo badbaadada loogu talogalay uu dhulka ku soo celiyay.     Labada cirbixiyeen oo kala ah Alexey Oychinin oo Ruushka u ...

Read More »

C/llaahi Sheekh Xasan oo loo magacaabay Afhayeenka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada

C/llaahi Sheekh Xasan oo ah Wasiirka Dastuurka ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa loo magacaabay Afhayeenka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, kadib qoraal ka soo baxay Golaha Iskaashiga.  

Read More »

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Saraakiisha Ciidanka faray inay dardar geliyaan adkeynta Ammaanka “Sawirro”

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” ayaa maanta ka qeyb galay shirka Khamiislaha ah ee Ciidanka Booliska, kaasi oo looga hadlay dardar gelinta Shaqada iyo adkeynta Nabad gelyada. Shirka ayaa waxaa ku sugnaa Taliye ku-xiggeenka Booliska S/guuto Zakia Ahmed, Madaxda hoggaanada iyo Saraakiisha Ciidanka, waxaana halkaasi heeso kala duwan kusoo bandhigay Hobolada Kooxda Heegan. Taliyaha Ciidanka ...

Read More »

Shan ruux oo ururka Al-Shabaab ku toogtay maanta degmada Saakow

Wararka ka imanaya degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in  gelinkii dambe ee maanta xooggaga Alshabaab ku toogteen shan  ruux oo lagu eedeeyay inay ahaayeen basaasiin ama sirdoon. Qaadiga Maxkamadda oo boqolaal qof ka hor akhrinayay xukunka Maxkamaddu soo saartay ayaa sheegay in shanta Nin ee latoogtay ay u shaqeynayeen sirdoonnada Dowladda Kenaya iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Al ...

Read More »

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha degmooyinka G/banaadir “Sawirro”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa waxa uu Shir muhiim ah la qaatay Dhammaan Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana kulankaasi looga hadlay dib u habeynta hay’adaha Garsoorka. Shirka ayaa waxaa soo Qaban-qaabiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi waxaa kasoo Qeybgalay Guddoomiyaasha Maxkamadaha degmooyinka gobolka Banaadir. Ugu horeyn Ajandaha Shirka ayaa waxaa ...

Read More »

Xasuus Qaran Oo Loo Samaynayo Muwaadiniintii Soomaaliyeed Ee Lagu Dilay Weerarkii October 14, 2017

Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay dhibaatadii xanuunka iyo muragada badnayd ee ka dhalatay weerarkii argagaxiso ee 14 October 2017 lala eegtay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Xunbaha golaha wasiirrada ayaa falanqayn kadib waxa ay isku raaceen in xasuus qaran loo sameeyo dadkii ku dhintay weerarkaas arxan darrada ahaa, iyo in la caawiyo ...

Read More »

Faahfaahin ka soo baxay dil ka dhacay maanta magaalada Boosaaso

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dil saaka ka dhacay  suuqa ugu weyn magalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari. Dabley hubeysan ayaa waxa ay ku dhex dileen suuqa magaalada Boosaaso askari ka tirsan ciidamada dowlada hoose  oo xilligaa howlihiisa shaqo ku dhex jirey. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dadkii ka dambeeyay dilka askariga ay goobta ka baxsadeen, iyadoo uu ...

Read More »

Imaaraadka Carabta oo ku xadgudubtay Cunaqabateynta Soomaaliya

Telefishinka Al-Jazeera ayaa heshay qeyb ka mid ah warbixinta Guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka Cunaqabateynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea, taasoo muujineysa in Imaaraadka Carabta uu ku xadgudubtay cunaqabateynta Soomaaliya. Warbixinta Guddiga Qaramada Midoobey ee la socodka Cunaqabateynta Soomaaliya iyo Eritrea oo aan weli si rasmi ah loo shaacin ayaa la filayaa in maalmaha soo socda loo gudbiyo Golaha ...

Read More »

Wasiiru dowlaha Maaliyadda oo raalli gelin ka bixiyay hadalkii ka careysiiyay dadka ku hadla Afka Maayga

Wasiiru dowlaha Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa raalli gelin ka bixiyay hadal uu maalintii isniinti ka sheegay Baarlamaanka oo ku saabsanaa su’aal lagu weydiiyay afka Maayga, iyadoo jawaabta uu ka bixiyay ay ka careysiiyay dadka ku hadla lahjada Maayga. Wasiir Xayir ayaa su’aal lagu weydiiyay afka Maayga ku jawaabay in aanu afka Maayga fahmin, isla markaana uu ku ...

Read More »

Waare “Sharci ma ahan shir ay ka maqan tahay Hirshabeelle inay yeeshaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada”

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in aanu sharci aheyn shir maamulkiisa ka maqan yahay inay isugu yimaadaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Garowe. Isagoo Wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Jowhar ayuu Madaxweyne Waare sheegay in Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada uu ka kooban yahay shan maamul, isagoo xusay in aanu sharci aheyn go’aan ...

Read More »