Home / WARARKA DALKA (page 8)

WARARKA DALKA

Madaxweyne Laftagareen oo Garoowe kula kulmay bulshada deegaanada K/Galbeed

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koofur Galbeed C/casiis Maxamed Xasan(Laftagareen) ayaa magaalada Garowe ee Xarunta maamulka Puntland kulan kula yeeshey bulshada deegaanada Koofur Galbeed ee ku dhaqan magaaladaasi. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa lakulmay haweenka,dhalinyarada iyo waxgaradka,isagoo ka xog wareysanayay xaaladda dhabta ah oo ay ku sugan yihiin iyo habka is dhexgalka bulsho. Qaar kamid ah bulshadii uu la kulmay Madaxweynaha ayaa Warbixin ...

Read More »

Cabdullaahi Sheikh Maxamed Oo Ku Guuleystay Doorashada Kursi Ka Banaan Golaha Shacabka Oo Ka Dhacday Baydhabo…

Doorashada kursi ka banaan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qabsoontay Magaalada baydhabo ee xarunta Gobalka Baay. Afar musharax ayaa u tartamayay kursigan banaan oo uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Khaliif Sheekh Cabdullaahi Dheere oo xubin ka ahaa Guddiga maaliyadda ee Golaha shacabka,iyadoo 44-ergo ay dooranayeen Xildhibaanka buuxinayo Kursiga ka banaan Golaha shacabka. Ilaa ...

Read More »

Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Gaaray Kenya (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya. Wasiirka arriamaha dibadda Kenya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ra’iisul wasaare Khayre iyo wadfigiisa waxa ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa casuumaad rasmi ah ...

Read More »

Doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka oo Baydhabo lagu qabanaayo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu wadaa maalinta berri ah inay ka qabsoonto doorashada Kursi ka mid ah Golaha Shacabka Somaliya. Guddiga Doorashada ayaa sheegay doorashadan inay dhaceyso Berri, waxaana Kursigan oo horay Xildhibaan uga geeriyooday u taagan tartankiisa illaa afar Musharax. Xildhibaanka Kursigaan ka geeriyooday, ayaa lagu magacaabi jiray Marxuum Xildhibaan Khaliif Sheekh C/laahi ...

Read More »

Wasiirka waxbarashada XFS oo Garoowe uga qeyb galay Bandhigga Todobaadka Hiddaha Dhaqanka iyo Aqoonta ee Jaamacadda Boosaaso….

Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa magaaladda Garoowe uga qeyb galay munaasabadda bandhigga Todobaadka Hiddaha, Dhaqanka iyo Aqoonta Jaamacadda Boosaaso, Faraceeda Garowe. Munaasabadda ayaa waxaa job jog ka ahaa madax ka tirsan maamulka puntland odayaal dhaqameed iyo marti sharafkale oo lagu casumay. Wasiirka Waxbarashada XFS,Mudane Cabdullaahi Goodax bare ayaa soo dhaweeyay ...

Read More »

Madaxweynaha oo adkeeyey xoojinta wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Sawirro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb-galay munaasabad caawa lagu caleema-saaray Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay adkeynta wadashaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda midnimada, wadajirka iyo iscafinta si loo helo Dowlad ka shaqaysa xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo ...

Read More »

Wasaaradda Batroolka XFS”Waxaan ummadda Soomaaliyeed u xaqiijineynaa in uusan jirin shidaal Soomaaliyeed oo la xaraashayo”

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay shir lagu qabanayo London-U.K oo ay ka soo qayb galayaan wasaaradda,xubnaha dawlad goboleedyada ,ganacasatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka, kaas oo lagu soo bandhigi doonaa kheyraadkeenna shidaalka. Halkan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dawlada Federaalka Soomaaliya oo gudanayasa waajibaadkeeda shaqo ee ...

Read More »

Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo mas’uuliyiinta Gobollada oo la kulmay hay’adaha samafalka +Sawirro

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo maamulka Gobolka Shabeellada hoose ayaa Maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah hay’adaha samafalka. Kulankan oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirrada ay quseyso , sida qorsheynta, gargaarka, waraabka iyo Biyaha, Guddoomiyeyaasha Saddexda Gobol ee uu ...

Read More »

Shirka Golaha Wasiirrada oo Looga Hadlay Dhibaatada Ciidanka Kenya Ay U Gaysteen Xarumaha Shirkadda Hormuud

Ra’iisul xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay dhibaatada ciidanka Kenya ay ku hayaan Xarumaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, hawlaha muhiimka ah ee sannadkaan la doonayo in la qabto iyo hab-raaca heshiisyada Caalamiga ah. Shirka ayaa ugu horayn looga hadlay hal-beegyada afarta tubood ku jira ee wasiirradu ay ballan qaadeen in ay ...

Read More »

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Muqdisho Uga Qayb Galay Shirka Dib-u-dhiska Dalka “SAWIRRO”

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qayb galay shir laba maalin socanayo oo looga hadlayo dib-u-dhiska dalka. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dib-u-dhiska dalku uu aad muhiim ugu yahay dawladda Soomaaliya maadaama uu dalku kasoo kabanayo bur-burkii ka dhashay dawlad la’aanta, sidaa darteed ka qayb galayaasha kulanka laga doonayo in si aad ...

Read More »